Caalamka oo Cambaareeyay Ciidamdii ka baxayay Tigret ee Bur buriyay Buundooyinkii

0

Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka.

Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaarin shacabka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka.