Jen Tsadkan Gebretensae: Waa kuma jenaraalka ka dambeeya guulaha ay gaartay jabhadda Tigray

0

Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa milateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal.

Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga.

68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda.

Ciidamadii Mengistu Haile Mariam ayaa laga adkaaday 30 sano ka hor.

May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu. Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda.

Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal.

Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK.

Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas.

Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir.

Xilka ayaa laga qaaday

Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF.

Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei.

Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya.

Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray.

Soo dhoweyntii Abiy

Jen Tsadkan Gebretensae

Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy.

Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aanay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka.

Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle.

Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta.

Dhalinyaro badan oo ka caraysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF.

Dowladda Itoobiya oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto.

Guulaha milateri

Jabhad iska caabin oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya.

Jen Tsadkan ayaa kamid ah taliska dhexe ee jabhadda, waxaana uu dowr muuqda ku leeyahay hawlgallada milateri.

Bishii January waxa uu jananku sheegay in “jabhadda ay xaaladdu ku adag tahay.” Waxaa lagu baacsanayay buurleyda Tigray, dagaalyahannada jabhaddana waxa ay wateen hub fudud.

Balse si layaab leh ayay ugu soo rogaal celiyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ee is bahaysanaya. Jananka ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada dagaalyahannada uga dhintay colaadda.

Muddo afar bilood ah, dagaalyahannada jabhadda ayaa isku garab waday tabar iyo dagaallo toos. Jen Tsadkan iyo taliyayaasha kale ayaa go’aamiyay in xooggagooda ay si wanaagsan isaga caabin karaan cadowgooda.

17-kii June, xooggada TDF ayaa qaaday duulaan dhinacyo badan leh, waxaana ay shaaciyeen inay cagta mariyeen qeybta sideedaad ee ciidamada milateriga Itoobiya, sheegashadaas oo ay beenisay xukuumadda Addis Ababa.

Alex de Waal waa agaasimaha fulinta ee hay’adda World Peace Foundation ee Fletcher School of Law and Diplomacy, Jaamacadda Tufts ee Maraykanka.