TPLF: Mekelle gacanteenna ayay ku jirtaa

0

Xooggaga falaagada Tigray ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegene gud ahaan magaalada Mekelle saacada ka dib markii ciidammada dowladda federaalka ay isaga huleeleen magaaladaasi ka dib xabbad joojin hal dhinac ah o ay dowladda Addisababa ku dhawaaqday.

“Caasimadda Tigray, ee Mekelle gacanteena ayay ku jirtaa”,ayuu yiri Getachew Reda, afhayeen u hadlay falaagada TPLF oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maamulkii ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka geysay gobolka Tigray ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Mekelle oo xoogagga falaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP

“Qof kasta oo ka tirsanaa mamaulka dowladda wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay galabta ayay baxsadeen. Gobolka hadda waa maamul la’aan”, ayuu yiri masuul ka tirsanaa dowladda ku meel gaarka ah oo ka gaabsaday magaciisa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan magaalada Mekelle ayaa sidoo kale xaqiijiyay in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada.

Itoobiya oo xabbad joojin deg deg uga dhawaaqday Tigray

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa xabbad joojin hal dhinac ah oo maanta dhaqan galeysa uga dhawaaqday Tigray, sida ay sheegty warbaahinta dowladda.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si joogto ah uga soo horjeesaneysay baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.