Siyaasi Mustafe Shiine oo Dhaliilay Hadalki Maxamuud Xaashi Cabdi:-

0
Siyaasi Mustafe Shiine oo Dhaliilay Hadalki Maxamuud Xaashi Cabdi:-
Akhri Qoraalka
“Tuug waa is qariyaa halkuu ka xado tulud…ee toddobaadkan xaajow mid tiriig sita yimid.
2005, beesha maanta tirada ugu badan ka heshay golaha wakiilada, isla iyada ayaa sanadkaana haysataySiyaasi Mustafe Shiine oo Dhaliilay Hadalki Maxamuud Xaashi Cabdi:-
“Tuug waa is qariyaa halkuu ka xado tulud…ee toddobaadkan xaajow mid tiriig sita yimid.
2005, beesha maanta tirada ugu badan ka heshay golaha wakiilada, isla iyada ayaa sanadkaana haysatay kuraasida ugu badan ee golaha wakiilada, waxana ay la soo baxday xildhibaanada ugu badnaa golayaasha deegaanka Ceerigaabo iyo Hargeysa.
Waxaan is weydiinayaa erayga uu wasiir hore Maxamuud Xaashi ku sheegay ” cuqdad” goorta ay shacabka intaa le’egi u xanuunsanayeen.
Ku tiiq-tiiqsiga iyo xulashada uu Maxamuud Xaashi u isticmaalay mushtamaca intaa le’egi waa gef cadaan ah oon qaban.
Bal aynu isweydiinee dadka uu sheegay goormay ka maqnaadeen golayaasha qaranka ee ay noqdeen kuwo la riixo oo la yaraysto ama ay laf ahaantoodu isu arkeen dad la yaraystay oon geyin hogaanka dalka ama golayaashiisa.
Waaba u cudurdaari lahaa haddii uu ku koobo in doorashadani ay kaga duwanayd tii 2017kii in aanay tartamayn 3 qof oo madaxweyne doonaaya iyo ku xigeenadoodii oo aanay doorashadu ahayn mid xukuumaddii talada haysay ee uu isagu ku tagrifalaayay aanay qabyaaladeyn oo aanay jeegaamayn.
Haddii maanta uu madaxweyne Muuse Biixi ka maarmay shirqooladii iyo talooyinkii beelaysnaa ee qarankan dib u dhigay ee Maxamuud uu ku dhaawacay taariikhdii xukuumaddii uu hogaaminaayay halyeygii,halgamaagii weynaa ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo “, waxay ahayd inuu beryo dhuunto, se waa nasiib daro inuu weli fagaarayaasha ka shubo hadalo laysku soo.toostoosiyay iyo ku faanid iyo dhoola-tus uu kula jiro madaxweynihii uu shalay lahaa ” Maaha Awr buubaal ah ee waa hayin biyo ma daadshaan ah “.
Si kastaba ha ahaatee waxa nasiib daro ah in ummad dhan oo inta badan dhulka Somaliland ku nool oon weligood quudhsi tirsan uu ninkaasi ku sheego in cuqdadii haysay ay been ahayd oo ay doorashadan meesha ka saartay iyagoo tii tan ka horeysay ay 19.xildhibaan ku haysteen golaha wakiilada halka deegaanka ku soo xigay uu 16 xildhibaan lahaa”.