Maxaa booliska Kenya loogu diiday in jaceyl iyo guur uu ka dhexeeyo?

0

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Fred Matiangi, ayaa dhawaan sheegay in ciidamada booliska laga hor istaagi doono inay haasaawaan ama isguursadan inta ay shaqada ku jiraan.

Matiangi ayaa sheegay in xeer hosaadka booliska dib u eegis lagu sameyn doono si loo dhaqan geliyo isbedellada lagu sameynayo laamaha ammaanka.

Shuruucdan cusub ayaa dhaqan geli doonto bisha soo socota ee July si wax looga qabto kiisasaka la xiriira tacadiyada galmada iyo xadgudbyadsa jinsiga ku saleysan ee saameeya booliska Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi

Guddi arrimahan baaritan ku samaynaya isla markaana talooyin ka bixinaya ayaa hadda qodobada xeerkan cusub ka shaqeynaya kaas oo loo gudbin doono golaha ammniga qaranka Kenya ee uu shir gudoomiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiir Matiangi ayaa sheegay in arrintan ay salka ku heyso kiisaska sii kordhaya ee tacadiyada ka dhanka ah saraakiisha ka tirsan booliska iyo sidoo kale cabashooyinka sii kordhaya ee ku saabsan tacadiyada dhanka galmada oo ay haweenka booliska kala kulman saraakiisha ka sareyso.

“Wixii hadda ka dambeeya waa mamnuuc in ciidamada booliska dhexdooda uu xiriir dhex maro ama ay is guursadaan. Haddii ay dhacdo in wax jaceyl ah u dhex maro laba askari oo boolis ah, markaasi waxay danta qasbi doontaa in midkooda uu shaqada ka tago,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan qaadan doonnaa nidaam la mid ah midka ciidamada milateriga Kenya, kaasoo ka hor istaagaya askarta inay xiriir dhow wada yeeshaan ama isguursadan.

Taliyaha Booliska Kenya, Hillary Mutyambai

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa kadib markii ay sanadihii dambe soo bateen kiisaska ciidamada booliska ee xiriir ka dhexeeya kuwaas oo qarkood masayr dartiis isu dilay, ama toogtay askarta kale ee ay kaga shakisanyihiin in guryahooda u daba-maraan.

Shacabka dalka Kenya ayaa xeerkan cusub ee dowladda ay soo wado kasoo horjestay waxayna sheegan in uusan qayb ka ahayn destuurka dalka isla markaana uu baalmarayo xuquuqda qofka uu xoriyad ama dooq u leeyahay.

Maxaa kale oo booliska loo diiday?

Booliska dalka Kenya waxaa kale oo laga joojiyay in ay isticmaalan baraha bulshada isla markaana aysan kusoo bandhigin aragtidooda iyo dhibatooyinka ay la kulman.

Waxaa kale oo booliska looga digay inay warbaahinta la hadlaan iyaga oo aanan fasax ka heysan wasaarada arrimaha gudaha ee Kenya.

Digniinta ayaa waxaa soo saaray taliyaha ciidamada booliska Kenya, Hillary Mutyambai, kaas oo warbixin uu soo saaray si adag ugu digay booliska in tallaabo laga qaadi doono ciddii baal marto shuruucdan cusub.

Hillary Mutyambai

Taliye Mutyambai, ayaa sheegya in maalmihi lasoo dhafay ay soo badanayeen askar baraha bulshada soo dhigay cabashadooda kuwaas oo aan u hogaansamin xeer hoosadaka booliska ee dhigaya.

”Maraka ugu horreysa ee cabasho uu qabo askariga waa in uu la wadaago taliyashiisa ama si toos ah u abaaro wasaarada arrimaha gudaha, ee ma aha in aad baraha bulshada aad soo fariisto,” ayuu yiri Mutyambai.