Kummanaan qof oo ku habsaday goob laga heley qalbac dheeman ah

0

Kummanaan kun oo hanti doon ah ayaa isugu soo baxay tuulada KwaHlathi ee Koonfur Afrika, iyagoo aaminsan inay aaggaasi ku jiri karo dheeman.

Dhacdaan ayaa waxay imaaneysaa kadib markii nin uu meel bannaan god ka dhex qoday kuna qoray calaamad muujinaysa inuu ka helay dhagxaan dheeman ah inkasta oo aan dhagxaanta wali baritaan ay ku sameeynin khubarada cilmiga dhulka, waxayna masuuliyiintu ka codsadeen dadka goobta jooga inay ka baxaan si baaritaan sax ah loogu sameeyo.

Dowladda gobolka ayaa sidoo kale barta Twitter-ka, ku daabacday muuqaal laga soo duubay aagga iyadoo walaac ka muujineysa waxa ay ugu yeertay “kala hororka dheemanka”. Waxay ku qoreen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka inay “la socdaan, warbixinnada ku saabsan howlaha macdanta sharci-darrada ah ee ka socda KwaHlathi ee ka baxsan Ladysmith.”

Waxaa la soo duubay muuqaal muujinaya dadka oo dabbaal-degaya oo ku faraxsan faa’iidada laga dhaxli karo dheemanka la sheegay inuu ku jira tuuladooda.

“Qofkasta waxa uu u baahan yahay inuu gaaro xasilooni dhaqaale ama lacageedba, waxa uu baahan yahay in nolosha uu heer sare ka gaaro,” ayay tiri.

Mid kale oo ka mid ah dadka tuulada ayaa sheegay in haddii uu dheeman helo “uu qoyskiisa geeynayo dalxiisa, waxaana dhisi doonaa magacayga.”

“Weligay ma arkin mana taaban dheeman, waa marki iigu horreysay ee halkan ku taabanayo, waxaana rajeynayaa in tani ay wax ka baddeli doonto qoyskayaga sababtoo ah waxaan la daalaa dhacayna nolosha.”

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale dadka ku sugan goobta ka codsaday inay isaga baxaan iyagoo ka baqaya in dadka goobta ku sugan ay faafiyaan fayraska corona.