Gabadhii yareyd ee duubtay dilkii George Floyd oo abaalmarin sare la siiyay

0

Darnella Frazier (saddexaad ka bilow midig) ayaa muuqaalka duubtay xilli ay booliisku xirayeen George Floyd oo madow ahaa

Gabar dhalinyaro ah oo duubtay dilkii uu askari cadaa ah u geystay George Floyd ayaa waxaa abaalmarinta warbaahinta oo gaar ah siiyay guddiga Pulitzer Prize.

Darnella Frazier, oo hadda 18 jir ah, ayaa abaalmarinta ku muteysatay geesinnimadeeda, sida ay sheegeen guddiga Pulitzer.

Muuqaalkaas ayaa dhaliyay dibadbaxyo lagu dalbanayo caddaaladda isirka kuwaas oo ka dhacay daafaha dunida waxaana loo adeegsaday caddeyn ahaan markii la dhegeysanayay dacwaddii maxkamadda ee xukunka loogu riday sarkaalka Derek Chauvin.

Abaalmarintan ayaa ah tan ugu qiimaha badan abaalmarinnada wrabaahinta ee gudaha Mareykanka.

Guddiga ayaa sheegay in Ms Frazier ay abaalmarinta ku siiyeen geesinnimadii ay ku duubtay dilkii George Floyd, muuqaalkaas oo dhaliyay dibadbaxyo looga soo horjeed tacaddiyada booliiska oo ka dhacay caalamka.

Ms Frazier ayaa la kulantay xariggii Floyd xilli iyada iyo ina adeerteed ay dhex lugeynayeen Minneapolis 25-kii May sanakdii hore.

Waxay goor sii horreysay sanadkan maxkamadda u sheegtay inay bilowday in telefoonkeeda ay ku duubto dhacdadaas sababtoo ah bay tiri “Waxaan arkay nin argagaxsan, oo ku baryootamaya inaan la dilin”.

Ms Frazier ayaa sheegtay inay maqashay Floyd “oo leh ma neefsan karo’. Wuu argagaxsanaa, wuxuu wacayay hooyadiis”.

Muuqaalka ayaa waxaa in badan laga daawaday caalamka wuxuuna horseeday dibadbaxyo ballaaran iyo kacdoon dhanka isirka ah oo Mareykanka ka dhacay. Dad badan ayaa dilkii Floyd uu u noqday calaamad muujineysa tacaddiyada booliiska, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah dadka madow.

Muuqaalka ayaa caddeyn ahaan loogu adeegsaday maxkamadeyntii Chauvin ee horraantii sanadkan. Waxaa markii dmabe askarigan lagu helay saddex eed oo dil ah.

Maxkamadeynta, ayay gabadhan ka sheegtay in goobjooggii ay u ahayd dilkii Floyd uu wxa ka beddelay nolosheeda.

“Markii aan eego George Floyd waxaan eegaa aabbahay, waxaan eegaa walaalkey, ilma adeerradey, adeerradey – sabatoo ah dhamaantood waa madow,” ayay tiri, iyadoo oyneysa. “Waxaana eegaa sida ay taasi ugu dhici karto mid ka mid ah iyaga.”