Ilhaan Cumar iyo xildhibaano Yuhuud ah oo ka tirsan Congreska oo foodda is daray

0

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa waxay jawaab kulul oo naadir ah siiyay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga ka dib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamas.

Tiro xildhibaano Yuhuud ah ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay “cadeyso ereyadeeda”, laakiin Ilhaan oo ah wakiilka Minnesota ayaa si kulul u wareertay xildhibaanadan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhalleeceyn Ms Omar u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.

Sannadkii 2019-kii, waxay raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in ay lacag ay sabab u tahay taageerada Israa’iil.

Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.

Khilaafka ayaa imanaya todobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa’iil lagu soo afjaray xabad joojin iyadoo ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan weerarada neceyb ee ka dhanka ah Yuhuuda Mareykanka.

Balse hadalkii xildhibaan ilhaan Cumar oo kahadashay kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Xamaas iyo Taalibaan ayna la barar dhigtay oo ay hal jumlo ay kula xusto Mareykanak iyo Israa’iil ayaa waxay khilaaf ka dhex dhalisay xubnaha xisbigeeda.

“in ay la barbardhigto Mareykanka iyo Israel Xamaas iyo Taalibaan waa hadal gef ah oo aan loo meel dayin” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubno uu hogaaminayo Jerry Nadler oo ka tirsan Dimuquraadiga lagana soo doorto New York.

Ms Ilhaan iyo xubno kale oo ka tirsan congreska

“in la iska indhatiro farqiga u dhexeeya dimuqraadiyada ku dhisan sharciga iyo ururada aanan sumacdda lahayn kuna lug leh falal argagixisanimada uma wanaagsan sumcadda qofka u doodaya waaan mid muujinaysa dhexdhexaadnimo la’aan qota dheer” ayay intaa ku dareen xubnahani.

“Waxyaabaha la midka ah ee been abuurka ah ayaa waxaa uu gabbaad siinayaa kooxaha argagixisada,” ayay sii raaciyeen.

Horraantii Khamiista, Ms Omar – oo asalkeedu soomaali yahay islsmarkana qaxootinimo horey ugu soo gashay Mareykanka kana mid ah Muslimiintii ugu horeeyay ee loo doorto Koongaraska – ayaa jawaab kulul siisay xubnahani oo ay ku tilmaamtay “kuwa aan xishoon” iyada oo ku eedeysay inay ku kaceen”falal Islaam naceyb ah”.

“Waa wax laga xishoodo asxaabteyda i soo wacda markay u baahdaan taageeradeyda inay hada soo saaraan qoraal ay ku codsanayaan ‘caddeyn’ iyaga oo I soo wacin,” ayay ku soo qortay Twitter-keeda.