Pakistan: Maxaa sababay in dumarka laga mamnuuco inay dukaamada tagaan?

0

Ka dib dilkii ganacsade Hinduu ah oo lagu dilay aagga deegaanka Vidh ee degmada Khuzdar oo ka tirsan gobalka Balochistan, ee daka Pakistaan waxaa lagu daadiyay halkaa waraaqo kuwaas oo loogu baaqay dadka dukaamada halkaa ku leh inaysan u oggolaan haweenka dukaamadooda.

Waraaqahaan waxaa ku qoran digniin loo jeedinayo ganacsatada, gaar ahaan kuwa dukaanleyda ah ee Hinduuga ah,iyadoo lagu sheegay qoraalka waraaqahaasi in ganacsadihii u oggolaado haweenka inay yimaadaan dukaankiisa, uu dusha saaran doono mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha arrintaa.

Booliska oo xaqiijiyay waraaqahaan ganacsatada loogu digayo ayaa sheegay in aan la garanayn cidda arrintaan ka dambeeysa.

Waraaqahaan oo u sameysan qaab buug(Book) oo kale ah ayaa waxaa ku qoran macluumaad badan waxaana qaarkood ganacsatada loo dhigay gudaha meheradahooda ganacsi.

Santosh Kumar, oo ah xubin ka ka tirsan golaha deegaanka Vidh ee bulshada Hinduuga ah , ayaa sheegay in dukaamadii ganacsatada bulshada Hinduuga loo xiray sababo la xiriira mudaaharaad looga soo horjeedo dilka ganacsade Hinduu ah

Ganacastada Muslimiinta ah ayaa sidoo kale dukaamadooda lagu hor daadiyay waraqahaan ay ku qoranyihiin digniinaha iyo macluumaadka kale.

Balse arrinta walaaca dhalisay ayaa ah in bulshada Hinduga ah si gaar ah loogu xusay warqaaha sida buugga u sameysan ee ganacsatada loogu digayo.

Ma jirto cid aan waxyeelo u geysanay, marka maxaa nalagu bartilmaameedsanayaa, “ayuu yiri Santosh Kumar.

Maxaa lagu sheegay Waraaqaha, ururkeese magaciisu ku dul qoranyahay?

Waraaqahaan waxaa ka muuqda sawir muujinaya Seef gacanta lagula sawiray qaybta hoosana waxaa looga qoray qoraal sidaan u dhigan “Caravan Saifullah”.

Maxamed Aslaam Shiikh, xoghayaha guud ee Urur Caafimaad oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ee deegaanka Vidh, ayaa sheegay in waraaqahaan yar yar ee lagu ak- daadiyay dukaamada ay ku qoranyihiin qoraallo isku mid ah hase yeshee wuxuu meesha ka saaray in magac Urur ku qoranyahay.

Ganacasatada waxaa laga codsaday inaysan u oggolaan dumarkooda inay guryahooda ay uga baxaan qaab aan loo baahneyn gaar ahaanna inay inay dhex mushaaxaan suuqyada.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqii suuqa uu yaraaday wixii ka dambeyay markii ay digniintaan soo baxday oo dumarkii ayaa ku yaraaday.

Dumarku ma booqdaan Vidh Bazaar?

Maxamed Aslaam Shiikh, xoghayaha guud ee Urur Caafimaad oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ee deegaanka Vidh, ayaa sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay baxeen digniinahaan uu kordhay walaaca ay qabaan dumarku isla markaana aysan kaligood tagin suuqa

Wuxuu sheegay in dumarka gudaha ay inta badan suuqa u yimaadaan arrimo caafimaad dartood balse xitaa wakhtigaas waxaa la socda rag qoysaskooda ka tirsan .Waraaqahaan suuqa lagu daadiyay ayaa la sheegayaa in ay yihiin markii labaad.

Horey waxaa deegaankaas dhibaatooyin loogu gaystay ganacsato isugu jira Muslimiin iyo Hinduu,sidoo kalana waxaa loo jeediyay hanjabaado.

Booliska muxuu ka yiri arrintaan?

SHO Cabdul Raxiim oo ka tirsan booliska Vidh ayaa xaqiijiyay waraaqaha suuqa lagu daadiyay ee ganacsatada loogu digayo.Isaga oo la hadlaayay BBC-da, wuxuu sheegay in warqadaha la dhigay hal meel oo kaliya.Wuxuu intaasi raaciyay in aysan jirin wax cabasho ah oo la xiriira waraaqaha oo ganacsatada uga yimid isaga shaqsiyan.

“Sida iska cad warqadahaan waxaa soo dhajiyay urur la yiraahdo Caravan Saifullah, laakiin urur noocan oo kale horay loogama maqal Vidh iyo nawaaxigeeda.”

Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin wax kiisas ah oo laga diiwaan galiyay arintaan balse laga baarayo dhinacyo kala duwan.

Ganacsatada deegaanka ayaa sheegay in dukaamadoodu sii xirnaan doonaan tan iyo inta laga helayo damaanad qaad amni oo la isku halleyn karo.