Xisbiga Kulmiye oo si kulul uga hadlay isbahaysiga ay samaysteen axsaabta UCID iyo Waddani

0

Xisbiga Kulmiye ee haya talada Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ay baal mareen hannaanka loogu tartamo guddoonka baarlamaanka iyo midka golayaasha deegaankaba.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii labadaasi xisbi ay shalay shaaciyeen in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in arrintaasi ay baalmarsan tahay habkii dimuqraadiga ahaa ee ay mudanayaasha la soo doortay guddoonkooda u dooran lahaayeen: “Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fariisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo,”

Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye ee Somaliland

Waxa uu Buuni intaasi ku daray “Waxa ay aheyd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta waqtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka golaha ay soo fariistaan ay cidda ay rabaan doortaan.”

Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa ku yimid maadaama aanu xisbi keli ahina helin aqlabiyad buuxda oo uu ku heli karo xilka gudoomiyaha baarlamanka.

Waxaana sidaasi ku bilaabmay xidhiidho siyaasi ah oo xisbi weliba doonayo inuu ka kale ku soo jiito si ay u qabtaan hogaanka golaha iyaga oo is xulufaysanaya.

Sidey xisbiyadu ugu kala guulaysteen doorashadii 31-ka May?

Doorashada Somaliland oo saf loogu jiro

Doorashooyinkii goleyaasha baarlamanka iyo deegaanka ee Somaliland ka dhacday 31 May 2021 ayaa natiijadoodii hordhaca ahaa la wada shaaciyay oo ay saddexda xisbi ee Somaliland ku kala calaf qaadeen.

Marka la eego keli keli xisbi waliba tirada kuraasta heer deegaan ee ka helay degmooyinka Somaliland waxa ugu kuraas badan oo kaalinta koobaad ku jira xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaalinta labaadna waa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo xisbiga UCID oo kaalinta saddexaad galay.

Waxa se xiise gaara leh oo ay shacabka Somaliland aad u hadal hayaan waa natiijada kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo xisbiga Wadani kaalinta koobaad galay oo uu ka helay 31 kursi baarlamanka oo ah 82 kursi halka xisbul xaakimka Kulmiye isna kaalinta labaad ku jiro oo uu helay 30 kursi iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo 21 kursi helay.