The United African Republic – Magaca cusub ee la leeyahay ha lagu beddelo Nigeria

0
“Shacabka dalka loo garanayo Nigeria, waxay doonayaan in loogu yeero Uranium”

Maxaa la yiraahdaa qof ka socda Jamhuuriyadda Midowga Afrika? Uranium ama Urea?

Jawaabtu waxay dad badan oo reer Nigeria ah ku riddey soo jeed, iyaga oo dhawraya soo jeedin ah in magacii dalkooda la beddelo.

Muddo labo toddobaad ah, ayay xildhibaannada federaalka ku dhex wareegayeen dalka iyagoo uruurinaya aragtida muwaadiniinta, si dastuurka wax looga beddelo.

Fikraddan ayaa ahayd in la ururiyo talooyinka wax ka beddelka sida dib u habeynta doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimo.

Laakiin muwaadin Adeleye Jokotoye, oo ah lataliye dhanka canshuuraha ah, ayaa tuuray wax lagu tilmaami karo bambo gacmeed, mar uu ka hadlayey magaalada Lagos.

Wuxuu rabaa in magaca wadanka la beddalo, maadaama ay ahayd mid ay soo rogeen madaxdii hore ee gumeystaha Nigeria.

Magaca Nigeria waxaa dabayaaqadii qarnigii 19aad bixisay saxafiyad British ah oo la yiraahdo Flora Shaw, oo markii dambe guursan doonta maamulihii gumeystaha Ingiriiska Lord Frederick Lugard.

Waxaa laga soo dheegtay wabiga Niger oo ka soo gala dhanka woqooyi-galbeed wuxuuna u sii dhaadhacaa Niger Delta, halkaas oo uu kaga daato Badweynta Atlantik, isaga oo sii maraya marinno fara badan.

Laakiin Mr Jokotoye wuxuu doonayaa in magaca lagu beddalo xulashadiisa United African Republic – si ay u muujiso boqolaalka qowmiyadood ee dalkaas deggan – arrintan oo hadalhayn badan abuurtay.

Isticmaalayaashan Twitter-ka ayaa ku maadeystay halka ay ka timi aragtida United African Republic, ama UAR:

United Arab Emirates = UAE

United African Republic = UAR

“Mudanayaal iyo marwooyin dalkeennii keliya hal ‘E’ ayaa uga hadhsan noqoshada sida Dubai,” ayuu soo qoray qof ka mid ah dadka isku deyey inuu fasiro.

This Girl is Blessed
@Girl_isBlessed
United Arab Emirates – UAE United African Republic – UAR Ladies and gentlemen, our country is just an “E” away from being like Dubai