Itoobiya: Xasuuq ma lagu tilmaami karaa waxa ka dhacay gobolka Tigray?

0

Baadariga Kaniisada Orthodox-ka ee Itoobiya ayaa kiciyey dood la isku ismaandhaafay markii uu sheegay in xasuuq laga wado waqooyiga gobolka Tigray.

Abune Matthias – oo asal ahaan kasoo jeeda qowmiyada Tigrayan – wuxuu sharraxaad ka bixiyay tan iyo markii uu qarxay iskahorimaadka bishii Nofeembar ee udhaxeeyey militariga Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka ee Tigreega (TPLF), in “afkiisa la xdhray, oo uusan hadli karin cabsi darteed”.

Hadalka qiirada leh ee Abune Matthias wuxuu layaab ku noqday dad badan oo u dhashay qoomiyadda Tigreega, kuwaa oo si qoto dheer uga naxay rabshadaha ka socda gobolkooda. In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku barokacay iskahorimaadkaas.

Mudaaharaadyo ka dhacay caasimadaha adduunka iyo baraha bulshada, xubnaha qurbajoogtu waxay ku midoobeen olole ka dhan ah waxa ay ku adkaysanayaan inuu yahay xasuuq.

Dowladda Itoobiya waxay diidday warbixinnada ku saabsan xasuuqyada baaxadda leh ee la buunbuuniyay iyagoo ku tilmaama arrimo siyaasadeed.

Ereybixin ahaan, xasuuqu waa dambiga ugu daran dambiyada – kan ugu xun buugaagta sharciga. Waxay kicinaysaa cadho gaar ah – kuwa u ololeeya ka hortagga xasuuqa waxay ku baaqayaan jawaabo caalami ah oo ay kujirto faragelinta millatari, si loo joojiyo.

umannaan qof ayaa lagu dilay Tigray

Ereygan waxaa alifay Rafael Lemkin, oo ah garyaqaan reer Polandn ah asal ahaanna yuhuud ah, si uu u sharaxo dambiyada gaarka ah ee foosha xun ee ay naasiyiintu u gaysteen bulsho dhan.Waxa uu ku guuleysatay meel gaar ah buugaagta qawaaniinta caalamiga ah, markii Qaramada Midoobay ay dejisay Heshiiskii Xasuuqa ee 1948.

Hadalka Nacaybka ah

Maxkamadeyntii saraakiishii sar sare ee Nazi ee Nuremberg, dacwad oogayaashu waxay keeneen eedeymo dambiyo ka dhan ah aadanaha – oo lagu qeexay xadgudubyo baahsan oo nidaamsan oo ay geysteen dowlad ama hay’ad u eg.

Xasuuqu waa nooc kale oo dambi ah, oo lagu qeexay ujeedka dambiilaha: “inuu burburiyo, gebi ahaan ama qayb ahaan, koox, qaran, qowmiyadeed, midab ama diin, sida oo kale.”

1px transparent line

Ilaa iyo hadda, ururrada xuquuqul insaanka ayaa sheegay in laga yaabo in dambiyo ka dhan ah aadanaha ay ka dhaceen Tigray. Taas oo suuagal ah in ay isbeddesho.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya waxay muujiyeen cadaawad qowmiyadeed oo ay u qabaan Tigreega, iyaga oo luuqad sharaf dhac ah loo adeegsaday si aan kala sooc lahaynna loogu dhaleeceeyay dhammaan qoomiyadda Tigreega, gaar ahaan qaladaadkii lagu eedeeyay kooxda TPLF, taas oo xukunka haysay heer federal in kabadan 25 sano oo khilaaf qadhaadhna uu kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed kadib markii uu xafiiska la wareegay 2018. Taas oo markii danbe ku danbaysay isku dhacii dhacay.

Erayada bani’aadamnimada ka baxsan sida “dhurwaaga maalinlaha ah” iyo “kuwa kale oo aan la aqoon” ayaa loo isticmaalaa si loo soo abuuro nacayb.