Maraykanka: Walaalo 30 sano u xirnaa dembi aysan gelin oo helay lacag lama filaan ah

0

Heshiis taariikhi ah oo 75 milyan oo doollar lagu guddoonsiiyay laba nin oo walaalo ah oo ku nool dalka Maraykanka oo in ka badan soddon sano u xirnaa dembi aysan galin ayaa dib u soo cusboonaysiiyay xukunkii khaldanaa ee lagu riday labadan nin ee walaalaha.

Henry McCollum iyo walaalkiis oo ay isku aabbo yihiin Leon Brown, ayaa laba jeer lagu xukumay dembi la xiriira kufsi iyo dil loo geystay gabar 11 jir ah sanadkii 1983.

Sanadkii 2014, waxaa la helay caddaymo cusub oo la xiriira hidde-sidaha dhiiga ee DNA, taas oo horseeday in cafis buuxa loo fidiyo labada nin isla sanadkii xigay.

Jimcihii ayaa loo xukumay magdhow gaaraya 31 milyan oo doollar in la siiyo mid walba. Lacagtaas ayaa u dhiganta 1 milyan oo doollar sanad walba oo ay xabsiga ku qaateen. Waxaa kale oo loo xumay 13 milyan oo doollar oo dheeraad ah.