Isra Xirsi: Maxaa gabadha Ilhaan Cumar looga hadal hayaa Mareykanka?

0

sra Xirsi, oo ay dhashay Ilhaan Cumar, una ololeysa arrimaha isbedelka cimilada ayay warbaahinta Mareykanka hadaldayaan, ka dib markii ay wax ka bedeshay qoraalka yar ee sharaxaya nolosheeda ee Twitter-keeda.

Waxay qaar ka mid ah ku eedeynayaan in ay “shuuciyadda taageertay oo astaantooda ay adeegsatay”. Isra Xirsi, waxay qeyb ka ahayd dhallinyaradii bilowday isu soo bixii isbedelka cimilda.

Isra oo hadda 18 sano jir ah, “waxay qoraalka Twitter-keeda ku dartay dubbaha shuuciyadda iyo astaan kale”, sida ay warbaahintaas qorayaan.

Fox News oo ka mid ah warbaahinta ka hadlaya arrintan waxay sheegeen in Isra Xirsi “ay si waadax ah ugu baaqday kocdoon shuuciyad”.Balse gabadha Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka kaga jawaabtay arrimahan, waxayna tiri: “Dhowr bilood ka dib ba, warbahinta dhanka midigta u janjeera, aniga ayey igu mashquulaan”.

Andy Ngô
@MrAndyNgo
Rep. Ilhan Omar’s daughter added a communist symbol to her bio. Isra Hirsi has talked before about how she writes some of her mother’s tweets. During the BLM race riots in her city, Isra put out a call for donations for rioters. She has also called for a communist insurrection.