Ciidamada Itoobiya oo weeraray isbitaal iyagoo raadinaya TPLF

0

Askarta Itoobiya ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF

.

Ciidamada ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah,waxaa sidaasi wakaaladda AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay.

Sidoo kale askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faashadaha ku xiranaa iyo faloobooyinka iyagoo dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka ayaa xaqiijisay dhacdadaan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen .

Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay MSF.

Raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree sanadkii hore kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fariisimo militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya.

Isku dhacyadaas oo muddo socda waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaaka badana way ku barakaceen.