Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad xilka madaxtinimada Jbuuti loo dhaariyay

0

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad xilka madaxtinimada Jbuuti loo dhaariyay

Waxaa maanta markii shanaad xilka madaxtinimada loo caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay, doorashadaas ay qaadaceen mucaaradka Jabuuti.

Waxaana munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.