Qalalaasaha Israa’iil iyo Qasa: Awoodda iyo hubka Xamaas ay heysato

0

Xamaas iyo ururrada Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa waxay heystaan Gantaallo masaafo kala duwan gaara

Inkastoo qasaare isugu jira dhimasho, burbur iyo dhibaato ay kasoo gaartay labada dhinacba cadaawadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa ururrada Falastiinuyiinta ee ku sugan Qasa iyo militariga Israa’iil, haddana farqiga awoodeed ee labada dhinac ayaa ah mid aad u weyn.

Israa’iil ayaa si xad dhaaf ah uga awood badan Falastiiniyiinta, waxaana ciidamadeeda cirka, diyaaradaheeda uusan duuliyaha saarneyn iyo hannaankooda sirdoonka ay sahlayaan in ay fuliyaan duqeymo badan oo ka dhan ah Qasa.

Waxay Israa’iil ku adkeysaneysaa in weerarrada ay qaaddo ay yihiin kuwo xakameysan oo lala beegsado meelo lagu tuhmo in loo isticmaalo dano ciidan. Laakiin saameynta gaareysa dad weynaha iyo sida ay Xamaas iyo kooxaha kaleba ugu hoos gabbadaan dhsimeyaasha dadka rayidka ah ku jiraan ayaa sababeysa in ay suurtagal noqon weyso in laga hortago khasaaaraha gaaraya shacabka.

Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku tayeen isticmaalka xeelado kala duwan.