Dad Tukanayay Salaadda Taraawiixda oo la afduubtay

0

Koox hubeysan ayaa 40 qof oo tukanayay salaadda taraawiixda ka afduubtay masaajiid ku yaalla magaalada Jibiya ee gobolka dhaca waqooy galbeed ee Katsina ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen booliska.

 

Kooxdii hubeysneyd ayaa habeenkii Axadda weerar ku qaaday masaajidka, waxay rasaas ku fureen dadkii salaadda taraawiixda tukanayay, waxay kaxeysteen tiro kamid ah musalliinta.

Afahayeen u hadlay booliska gobolka Gambo ayaa BBC u sheegay in maleeshiyo maxalli ah, booliska iyo militeriga ay durbadiiba baacsadeen kooxdii hubeysneyd isla markaana ay soo badbaadiyeen 30 kamid ah dadkii la afduubtay.

Wuxuu intaas ku daray in 10 qof weli la la’yahay.

Arrintani ayaa ku soo beegantay iyada oo lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Nigeria waxaa kusoo batay weerarada afduubka ah ay geysteen kooxo dambiilayaal ah oo dadka madax furasho weyddista, meelaha ugu darana waxaa kamid ah gobolka Katsina.