Maxay tahay sababta ay Dowladda Soomaaliya uga noqotay xiriirkii ay u jartay Kenya?

0

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, wuxuuna sharraxay sababta.

Al-Caddaalada ayaa sheegay in “laba dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiida is ixtiraamka iyo madaxbannaanida dhuleed, faro galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha”.

Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, ayaa dadaal ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka.

Hase yeeshee dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay Dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay joojisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee waddanka dariska la ah ee Kenya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Wuxuu go’aankaas yimid markii ay Soomaaliya soo saratay eedeymo ay ugu jeedisay Kenya in ay faro galin ku heyso arrimaha gudaha ee dalkeeda iyo inay soo abaabuleyso kooxo hubeysan.

Isla su’aashaas ayuu wasiir ku xigeenka uga jawaabay: “Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duriifihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya ay la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Mar haddii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada waddanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.”

Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka qadar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.