Raโ€™iisal wasaare Rooble oo ka hor yimid muddo kororsiga iyo Madaxweyne Farmaajo oo shacabka la hadli doona

0

Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhoweeyay war murtiyeed ay galabta soo saareen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo ay kaga hor yimaadeen muddo kororsiga labada sano ee uu sameeyay Golaha Shacabka.

Qoraalka raโ€™iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qodobada hoosta ku xusan:

ยทWaxaan soo dhawaynayaa war murtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

ยทSida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

ยทDhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

ยทCiidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

ยทSiyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.

โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka,โ€ ayaa lagu sheegay barta Villa Somalia.