Rabshadaha Itoobiya: Dagaal u dhexeeya Oromada iyo Amxaarada oo dhimasho badan sababay

0

Hanti badan ayaa lagu gubay magaalada Ataye

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa xayiraad ah iney shacabku hub qaadan Karin ku soo rogtay gobollada deegaanka Amxaarada ka tirsan oo ay maalmahanba dagaallo ku dhex marayeen qowmiyado halkaasi wada dega.

Wasaaraddu waxay sheegtay ciidammo dowladda dhexe ka tirsan oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannada ay dagaallada ka dhaceen in howl galiyey ciidamaduna amar lagu siiyey iney tallaabba ka qaadan cid kasta oo lagu arko meel hoygeeda ka baxsan hub ku qaadato.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo bayan a soo saartay xaaladda amni ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay dagaalladi ka dhacay Bariga deegaanka Amxaarada si wax looga qabto ciidamada qaranka in laga howl geliyey.

Rabshadihi qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ee wada daga gobollada ay dagaallada ka dhaceen oo hoos taga deegaanka Amxaarada dad badan ayaa ku naf waayey iyaa oo ay hanti bandanna ku burburtay.

Wasaaradduna waxay sheegtay inta uu dhaxeeysa magaalooyinka Debresina iyo Kombolcha waddooyinka waaweyn oo ku yaalla ilaa iyo 20 km qof qori wato inan lagu arki Karin.

Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa xayiraad dhanka hubka ah ku rogtay qeybo ka mid ah deegaanka Amxaarada, ka dib dagaallo maalmo socday.

Xayiraadda ayaa ah in shacabka aysan hub qaadan karin, si looga hortago colaadda u dhexeysa qowmiyado halkaas wada dega.

Wasaaradda waxay sheegtay in ciidammo dowladda dhexe ka tirsan, oo si gaar ah gacanta uga hayo deegaannadaas, lagu amray in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo lagu arko meel hoygooda ka baxsan iyagoo hub ku haysta.

Ciidamadan ayaa ka howlgala deegaannada dagaallada ay ka dheceen ee gobolka Amxaarada. Waxaana loo xilsaaray ammaanka waddooyinka in ay gacanta ku hayaan.

Waxay sida oo kale wasaaraddu sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda inay xirto jidadka, kaniisadaha ama masaajidda, ay gubaan hay’adaha u adeegga bulshadana oo ay waxyeelleeyaan.

Ciidamada gaarka ah waxaa amar lagu siiyey in ay tallaabo ka qaadaan qofkii isku deya in uu ku xadgudbo xayiraadaha ay wasaaradda ku soo rogtay deegaannadaas.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool goobaha ay maalmihi ugu dambeeyey qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ku dagaallamayeen, waxay BBC u sheegeen in dagaallada ay ahaayeen kuwa la isu adeegsanayey hubsi culus oo cabsi badan abuuray.

Sida wararku sheegayaan, dhinacyada dagaallamaya waxay si gaar ah u beegsanayeen goobaha lagu cibaadeysto.

Rabshadaha magaalada Attaaye ka bilalawday waxay ku sii fideen magaalooyinka iyo tuulooyinka ka dhow.

Labada dhinac uu dagaalka dhex maray, midba kan kale wuxuu ku eedeynayaa in uu gardarada dagaal billaabay.

Laamaha ammaanka ee Itoobiyana waxay sheegeen in dagaalladaas ay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka jabhadda OLF, garabka heshiiska nabadeed ka baxay ee Oromada.

Hay’adda Cabashooyinka Shacabka ee dalka Itoobiya oo soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP, waxay sheegtay in toddobaadkii la soo dhaafay rabshadihi ka dhacay gobollo ka mid ah deegaanka Amxaarada ay ku dhinteen ugu yaraan 300 oo qof oo rayad ah.