Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye Cali Cabdi dheere oo u hanjabay Uicd iyo wadani

0

Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda oo dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyey, waxaanu sheegay in Xeerkaasi dhaqan-gelayo marka Golaha Guurtidu meel-mariyo isla-markaana uu Madaxweynuhu saxeexo, laakiin dib loogu celin karo Baarlamaanka, haddii wax ka khaldamaan.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ugu baaqay inay joojiyaan hadallada xanafta leh oo uu tilmaamay inay Ummadda kala fogaynayaan.

Axmed Cabdi Dheere oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sidii doorashadu I noogu dhici lahayd, waa inaynu dhammaanteen dhinacyada iska taagno ayaan u soo jeedinayaa (Xisbiyada Mucaaradka ah) dhinacayaga haddaanu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu ka ilaalinaynaa waxay dhibsadaan xisbiyada kale oo Aflagaado ah ama Xanaf keenaya ama doorashooyinkeena Carqalad u keenaya.”

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere wuxuu sheegay inuu jiro waxyaabo badan oo ay Sharci ahaan ku diiddan yihiin Xeerka Furista Ururrada siyaasadda oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wakiilladu markii ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen “Xisbi ahaan, waxyaabo badan oo aanu ku diidan nahay Sharcigaas way jirtaa, laakiin ma odhanayno Sharci uma laha (Golaha Wakiilladu), laakiin wixii khaldan ee ama Xisbiyada kale dhibsanayaan ama aanu Annagu dhibsanayno ee ku jira dariiq bay maraysaa, dariiqaas baa lagu saxayaa, Guurtida ayay soo maraysaa (Ayuu Xeerku soo marayaa), intaan Madaxweynuhu saxeexin ayaa loogu talo-galay in wixii khaldan la saxo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Golaha Wakiillada lagu celin karo Xeerkaasi “Waana lagu celin karaa mar labaad Baarlamaanka, sidiisana waa lagu ansixin karaa..”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay Xadhigga Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu sheegay in Xadhiggoodu la xidhiidho Musharraxiinta la xidho iyo kuwo ay isku deegaanka yihiin oo is dacweeya.