0

Ciidamadda Booliska ayaa hawlagal lagu sugaayo amniga ka bilaabay degmada Tog-wajaale iyada oo baadhitaan ay ciidamdu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladda iyo gaadiidka u kala gudba Somaliland iyo Itoobiya.

Taliyaha ciidamadda Booliska Wajaale Maxamed Saleebaan Gooni, ayaa sheegay in hawlgalkaasi Ciidamada Boolisku ku soo qab qabteen ilaa 120 qof kuwaas oo lagu samayn doono baadhitaan cidii denbi lagu helana la horgeyn doono sharciga.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkani sii socon doono iyada oo baadhitaankani la xidhiidho Dab, beryihii u danbeeyay ku soo noq noqonaayay magaalada oo ay Guryo farabadani ku gubteen.

Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye iyo Guddoomiyaha Degmada Wajaale, Cabdiraxmaan Yuusuf, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubashada dabku ay ku soo noqnoqotay magaalada Wajeele baadhitaan xooganna la samayn doono si loo ogado sababta Dabkaasi keenta, waxaanay masuuliyiintani ugu baaqeen bulshada in ay la shaqeeyaan ciidamadda Booliska.