Geelaha Jabuuti oo 98% ku guulaystay doorashadii ka dhacday jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 89.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

hadaba waa su,aale  yaa awood uleh inay ku dhawaaqdo cida guulaystay, sidoo kale  komishinkii mee loo xilsaray doorshada cadaladeeda,

waxa kale oo iswaydiin leh shacabka jabuuti  ma si xor ah ayaay udhiiibteen codka , arinkani waa mid mashquuliyay  mushtamac jabuuti iyo  kuwa indhaha  ufurtay  lasocoshada  doorashada jabuuti