Keymaha Amazon: Duuliye ay diyaaraddiisa burburtay oo 36 maalmood ka dhuumanayay masas iyo yaxaasyo

0

Antonio oo la sawiran beeraleey gacan ka geystay badbaadadiisa

Isagoo kaligiis ah ayuu ku dhex lumay qeybta ugu fog ee keymaha roobka badan ee dalka Brazil. Laakiin ugu yaraan Antonio Sena wuu garanayay waxa u weyn ee halis galinaya naftiisa: “Xayawaannada ugaarsada dadka ee ku nool Keymaha Amazon – oo ah shabeellada, yaxaasyada iyo masaska jabisooyinka ah.”

Duuliyahan 36 jirka ah kama uusan walwalsaneyn kaliya inuu cunto u noqdo xayawaannadaas khatarta badan, balse wuxuu isaga laftiisa ku khasbanaa inuu helo raashin biyo iyo hoy uu seexdo.

Waxa kale ee cabsidiisa sii badinayay waa in kaddib burburka diyaarradiisa ay maalmo badan qaadan karto in la badbaadiyo.

Hase yeeshee Antonio wuxuusan ogeyn inuu muddo hal bil iyo dhowr maalmood ah u dagaallami doono sidii uu noloshiisa uga badbaadin lahaa baahida iyo kalinimada.

Burburka diyaaradda

Mar qura ayuu ka war helay in diyaaraddiisa ay cilladowday, erayo badan oo qeylo ah ayuuna isku daray, sida laga dhageystay hadalladii ugu dambeeyay ee telefoonka xiriirka diyaaradda.

Diyaaraddii uu kaligiis watay ayaa la dhacday bishii January xilli uu saanad u waday goob macdanta laga baaro oo ku taalla keymaha gudahooda.

“Matoorka ayaa si lama filaan ah u damay markii ay saacaddu ahayd 900m. Waxaan ku khsabanaaday inaan ku dago bartamaha keynta,” ayuu yidhi, isagoo la hadlayay BBC-da.

Isagoo geedo ku dul dajinaya diyaaradda oo uusan xakameyn karin ayuu si mucjiso ah u maareeyay inuu ku dago meel u dhow dhinaca waqooyi ee wabiga Amazon.

Diyaaraddii Antonio waxay ku dhacday keymaha roobka badan ee Brazil

Laakiin inkastoo uu ka badbaaday dhimasho, dhibaatooyinkiisa markaas unbay billaabanayeen. Shidaal ayaa ka daadanayay diyaaradda.

“Waxaan ku khasbanaa inaan ka tago diyaaradda sababtoo ah waan ogaa inay tahay xaalad khatar ah,” ayuu yidhi.

Maadaama uusan hoy ka dhigan karin diyaaradda, wuxuu joogay meel aan ka fogeyn, isagoo rajeynayay in la maqlay farriintiisii ugu dambeysay loona soo diray koox badbaadisa.

“Waxaan soo qaatay wax kasta oo aan islahaa way ku caawin karaa haddii aad dhowr maalmood ku jirto keynta.”

“Xilligaas waxaan qiyaasayay inaan keynta roobka badan ku jiri karo shan ilaa siddeed maalmood, oo ah xilliga caadiga ah ee howlgalka badbaadinta uu qaato.”

Laakiin isbuuc ayaa gudbay, cid i caawisana ma aysan imaanin.

Inuu kaligiis isku tashto

Antonio wuxuu go’aansaday in haddiiba uu doonayo inuu dadkii uu jeclaa dib u arko uu ku khasban yahay inuu ka tago goobta shilka diyaaradda ee lagu soo aqoonsan lahaa, uuna u lugeeyo meel uu ku badbaadi karo.

“Waxaan xaqiiqsaday in aysan i heli karin oo ay tahay inaan isku tashado si aan qoyskeyga mar kale u arko.”

Xilli subax ah ayuu dhaqaaqay si uu u raadiyo meel ay dad ka ag dhow yihiin.

“Waxaan go’aansaday inaan u baxo dhanka bari ee ay qorraxdu kasoo baxday, subax kastana waxaan lugeyn jiray labo ilaa afar saacadood.”

“Socodka kaddib waxaan ku khasbanaa inaan qorsheysto meeshii aan habeenkaas ku hoyan lahaa – waxaan dhisanayay hoy waxaana diyaarsanayay dab aan shito marka uu gabalku dhaco.”

Inkastoo keymaha Amazon ay halis badan yihiin, khatarna ku yihiin qof walba oo kaligiis ah gaadiidna aan wadanin, Antonio wuxuu yaqaannay xirfado yar oo uu ku badbaadi karo.

Yaxaasyada waxay ka mid ahaayeen xayawananada uu cabsida ugu badan ka qabay Antonio

“Waxaan soo bartay tababar ku saabsan sida looga badbaado khatarta dhulka keymaha ah markii aan qaadanayay cilmiga shaqada duulista hawada.”

“Sidoo kale, waxaan ku dhashay kuna noolaa keymaha Amazon.”

Dadkii ku noolaan jiray gudaha keynta ayuu kasoo bartay macluumaad ku saabsan halkaas – xogtaasna wuxuu adeegsanayay xilli uu u dhaxeeyay nolol iyo geeri.

Helidda cuntada

Waxa ugu horreeya ee xirfadda uu lahaa Antonio ay ka caawin karta waa helitaanka raashinka, wuxuuna raadsan jiray xayawaanka duur joogta ah ee la cuni karo.

“Waxaa jiray miro aanan waligay arkin balse waxaan arkayay in daanyeerrada ay cunayeen,” ayuu yidhi. “Sidaas awgeed waxaan is iri haddii ay daanyeerradu cunayaan adigana waad cuni kartaa.”

Laakiin wuxuu u baahnaa wax ka badan miro.

Wuxuu helayay ukumo ay shimbiro dhigeen, kuwaasoo uu duban jiray.

Iska ilaalinta xayawananada dilaaga ah

Walow uu helayay cunto ku filan oo uu ku noolaado, wuxuu sidoo kale u baahnaa inuu iska ilaaliyo sidii uu qado ugu noqon lahaa xayawaannada halista ah ee keynta.

“Mar walba oo aan meel istaago oo aan hoy ka sameysanayo, waxaan ka dhiganayay meel buuro dushooda ah,” ayuu yidhi.

Jabisada waxay ka mid tahay saddexda xayawaan ee ugu waaweyn keymaha Amazon

“Sababtoo ah shabeellada, yaxaasyada iyo jabisooyinka waxay xiriir la leeyihiin biyaha, sidaas darteedna waligay ma dagin meel ay biyo ka dhow yihiin.”

Antonio wuxuu sidoo kale ka feejignaa inuu sameeyo shanqaro inta uu dhex socdo keymaha.

Wuxuu ogaa in xilliga maalintii ay u badan tahay in uu xayawaan soo weeraro haddii uu maqlo shanqartiisa.

Rajo ugu dambeyn

Inkastoo xirfadaha badbaadada ay u shaqeynayeen Antonio, waxaa ka dhacay miisaan aad u badan.

Isbuucyo ayaa gudbay tan iyo markii ay diyaaradda la dhacday.

Laakiin 36 maalmood kaddib, ugu dambeyn wuxuu u yimid koox dad ah.

“Muddo dheer markii aan socday ayaan la kulmay koox dad reer Barzil ah oo lowska beerta, kuwaasoo ku sugnaa meel geeri go’an ah,” ayuu yidhi.

Markii hore ma uusan arki karin balse wuxuu ku soo raacay codkooda iyo shanqaraha ay sameynayeen.

Ugu dambeyn, dhibaatadiisii daba dheereyd ayaa halkaas ku idlaatay.

Diyaarado iyo helicopters-yo ayaa loo diray si ay u raadiyaan, laakiin waxay ka quusteen dhowr isbuuc ka hor inta uusan dadka la kulmin.

Haddii Antonio uusan soo lugeyn lahayn, kana soo tagi lahayn goobtii ay diyaaradda kula dhacday, waligiis ma uusan la kulmi lahayn qoyskiisa mar kale.