Nin u geeriyooday jimicsi lagu qasbay kadib markii uu jabiyay sharciga xayiraadda Covid

0

Nin u dhashay dalka Filibiin oo lagu helay inuu jebiyay sharciga xayiraadaha ee uu sababay cudurka covid-19 ayaa geeriyooday kadib markii lagu ciqaabay inuu sameeyo 300 oo kac-fadhiisi ah kaas oo ah nooc ka mid ah jimicsiga waxaana ninkaan qoyskiisu ay sheegeen in boolisku ay arrintaan ku amreen wiilkooda.

Darren Manaog Penaredondo ayaa la sheegay inay askartu joojiyeen isagoo biyo iibsanaayay meel ka mid ah gobolka Cavite ee dalkaas.Waxaa la sheegay inuu suxay markii hore maalintii xigtayna uu geeriyooday

Gobolka Cavite, oo ku yaalla jasiiradda Luzon, ayaa hadda ku jira xayiraad adag si looga hortago faafitaanka Covid-19.

Marlo Solero, oo ka mid ah taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in aysan jirin ciqaab jireed loo geysto dadka lagu helo in ay jebinayaan sharciyada bandowga, balse wuxuu intaa ku daray in haddii lagu helo saraakiishu inay sameeyen ciqaabtan sababtay geerida ninkaan aan loo dulqaadan doonin.Qof ka mid ah ehelada ninka geeriyooday ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida ninka ay ehelka ahaayen,wuxuuna sheegay in Mr Penaredondo iyo dadka kale ee lagu helay inay jabiyeen bandowga loo sheegay inay sameeyaan 100 jeer nooc ka mid ah jimicsiga.