Nooc ka mid ah daanyeerada iyo aadanaha oo la ogaaday wax ay ka siman yihiin

0
Danyeerka nooca chimpanzees oo hab isa siinaya

Daraasad cusub ayaa shaaca ka qaaday xiriir kale oo dhaw oo u dhaxeeya bina’aadamka iyo Daanyeerka nooca loo yaqaano chimpanzees.

Sida bina’aadamka oo kale, marka uu daanyeerka nooca chimpanzees da’a gaaro waxaa uu door bidaa oo uu jecel yahya in ay la joogaan oo la noolaando qeyb ka mid ah Daanyeerada.

Waxaa daraasadda lagu ogaaday in marka daanyeerka nooca chimpanzees uu waayeel noqdo si gaar ah uu u door-bido in ay hareera joogaan danyeerada yaryar.

Daraasadda oo lagu daabacay joornaalka Science journal, ayaa waxaa fuliyay cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Harvard.

Daraasadda oo socotay muddo 15 sano ah ayaa waxaa darasad lagu sameeyay 21 ah danyeerka nooca chimpanzees oo ku nool beerta xanaanada duurjoogta ee ee Kibale ee dalka Uganda.

Dhammaan danyeeradan daraasadda lagu sameeyay ayaa ahaa lab ay da’dooda u dhaxeeysay 15 ilaa 58 jir.

Waxaa sababta daraasadda diirada loogu saaray daanyeerka labka ah ay tahay in kuwa lab ay aad xiriir isu dhawaanshiya ula lee yihiin danyeerada kale marka loo barbar dhigo dhiddiga.

Danyeerka nooca chimpanzees oo la jooga cunug yar

Waxyaabaha daraasadan lagu ogaaday waxaa ka mid ah in xayawaanada marka ay da’dooda weynaato ay muujiyaan dabeecad la mid ah tan bina’aadamka.

Danyeerka nooca chimpanzees marka ay da’diisa waynaato, waxa ay isku hareereeyaan tirada yar ‘oo ay saaxibo dhaw la noqdaan.

Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in marka danyeerka nooca chimpanzees uu waayeelo uu ka dhex baxo is kooxeysiga badan ee daanyeerada lagu yaqaano islamarkana uu door bido in ay la joogaan saaxibo tiradooda ay kooban tahay.

Waxaa ay daanyeeradan marka ay gaaraan da’da ay waqti la qaataan danyeerada kale ee ay xiriirka wanaagsan la leeyihiin.

Marka ay da’dooda gaaro 40 sano iyo ka sare waxaa la jooga oo ays soo reebtaan tiro yar oo dhan ilaa 3 ay horey aqoob ugu lahaayeen ayna la falgali karaan.

Alexandra Rosati oo ka tirsan jaamacadda Michigan, , ayaa ka mid ahayd khubarada hormuudka ka ahayd daraasdan la soo saaray.

Waxay sheegtay: “waxa xiisaha leh ee an ogaanay ayaa ahaa in danyeerka chimpanzees ay muujiyaan dabeecado la mid ah tan bina’aadamka.”

Waxay intaa ku dartay: “Waxaa xaqiiqadii jira wax ku cadaadinaya in ay fahmaan nooca noolaha ee gabowga.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxay go’aamiyeen sida ay saaxibada u yihiin iyaga oo tusaale ka qaatay halka ay fariistaan.

Danyeerka da’da ah ayaa waxay door bidaan danyeerada ay aqoonta dheer u leeyihiin islamarkana way ag-fariistaan waxayna waqti la qaata tira yar oo danyeeradaasi ka mid ah oo jawigooda dagan yahay.

Balse danyeerada nooca chimpanzee ee ay da’dooda yar tahay ma laha dabeecada kuwa waawayn.

Dabeecadaha ay isaga midka yihiin dadka iyo danyeerka nooca chimpanzees kuma eka saaxibada gaarka ah ee ay door bidaan oo kali ah.

Danyeerka chimpanzees, marka ay da’diisa waynaato waxaa uu waqti ku qaataa goob dagan oo aan buuq lahayn, waxaa uuna door bidaa in uu ka fogaato kuwa da’dooda yar tahay si uusan buuqooda u dhibsan.