Muuqaal tusinaya sida canug yar oo shan jir ah ay booliska Mareykanka ugu jeesjeesayaan

0
Kaamarada ku rakiban dharka askari boolis ah ayaa muujinaysa askari si kooban u katiinadaynaya canuga

Kaamarada ku rakiban dharka askari boolis Ameerikaan ah ayaa muujisay askar boolis ah oo katiinadaynaya wiil yar oo shan jir ah oo ooyaya oo ka soo cararay iskuulkiisa.

Muuqaalka, oo booliska Maryland ay Jimcihii baahiyeen, ayaa tusinaya laba askari oo wiilka hooyadii ku leh “waa inaad garaacdaa” canugan.

Dhacdadan oo la diiwaangeliyay bishii Janaayo ee 2020 ayaa haatan wiilka hooyadii waxa ay la beegsanaysaa maxkamadda.

Qareennadeeda ayaa waxa ay ku andacoodeen in wiilka ay dhibaato maxkaxeed soo gaartay.

Askarta ka tirsan waaxda booliska ee deegaanka Montgomery ayaa waxa ay canuga ka heleen meel dhowr waddo ka fog iskuulkii uu dhiganayay, kaamerada dharka ku xiranna waxa ay muujinaysaa canuga oo ka ooyaya qeybta dambe ee gaariga xilli iskuulkiisa lagu celinayay.

Askarta ayaa iskuulka u raacay canuga iyo mid ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haweeney askariyad ah ayaa la maqlayaa iyadoo oronaysa, “taasi waa sababta ay tahay in dadku ay carruurtooda garaacaan.”

Gudaha xafiiska kaaliyaha maamulaha iskuulka, ayuu canugu bilaabayaa inuu kor u ooyo muuqaalkana waxa uu muujinayaa mid ka mid ah askarta oo canuga toos ugu qaylinaya.

“Aamus oo qaylida jooji!” askariga ayaa leh. “Waxaan jeclaan lahaa in hooyadaa ay ii ogolaato inaan ku garaaco.”

Markii dambe waxaa iskuulka timid wiilka hooyadii, muuqaalkana waxa uu muujinayaa labada askari oo ku dhiirigelinaya inay wiilkeeda garaacdo.

“Waxaan doonaynaa inaad garaacdid,” askari ayaa sidaas ku leh. Hooyada ayaa ku jawaabaysa inay ka walaacsan tahay in xabsiga loo taxaabo, hasayeeshee askari ayaa ku jawaabaya: “Xabsi kuma mutaysanaysid inaad canugaaga garaacdid.”