Musharax Golaha Degaanka berbera ah Maxamuud maxamed jaamac Dhegawayne ayaa dareen ka celiay qorshaha cusub ee qiimaha laydhka berbera

0
Aad aad yar baa la isugu sinqayaa!
Iyadoo awalba shacbiga Berbera aanay ku qanacsanayn go’aankii wasaarada macdanta iyo tamarta oo ay u arkayeen go’aan aan ka turjumayn baahida bulshadani u qabto leydh jaban siiba xiligan xagaga ah.
Ayaa haddana saaka war kan cusbi soo dhacay oo lacag dul socoda oo qiyaastii ah $ 2.5 la dul dhigtay shacbigan marka horeba duruuftan adag hayinka u noqdey, iyadoo duruufaha adag ee xiligan lagu jiro aynu la wada socono.
Leye haddii aad isticmaasho wax kayar ama ku siman 21 unit waxa lagaa qaadaya qadar lacageed oo ku siman $9 , taas oo horeba u baal marsanayd wareegtadii .0.3-ga ahayd ee wasaarada, ayaa haddana la yidhi hadii isticmaalkaagu uu ka bato 21-ka unit oo tusaale ahaan aad isticmaasho 100 unit lagugu dhufan maayo 0.3 e waxa loo qaybinayaa labba qaybood 21-ka hore waa sidoodii wixii ka soo hadhana waxa lagugu dhufanaya 0.3-ga bal adba. Nimanku damacoodu kululaa ma hunguri wad ma arkaa !!
Haddii aan arintan dhawaaq dheer lagaga hor iman oo aan si midaysan loo odhan MAYA MAYA waxa iman doonto in sidaa kor loogu sii wado. Inagoo og xiliga xagaaga ee bilaw ga ah, inagoo og xaalada guri jooga ah ee xanuunka Karoona uu sababey, inaga oo og bishii rabadanta oo maalmo koobani innaga xagaan oo dab badan bulshadu isticmaasho, inahaas iyo kuwo kaleba inagoo og wax la aqbali karo ma aha sidani.
halkan hoose ka akhriso