Weerraryahankii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka kubadda cagta ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa sheegay inuu isaga baxayo baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan sababo la xiriiro midab kala sooc iyo handaad ka jirta guud ahaan barahaasi.

0
Thierry Henry ayaa bishii Febraayo waxa uu wareejiyay xilka maamulaha kooxda CF Montreal ee ka dheesha Major League Soccer sababo isaga u gaar awgeed

Weerraryahankii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka kubadda cagta ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa sheegay inuu isaga baxayo baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan sababo la xiriiro midab kala sooc iyo handaad ka jirta guud ahaan barahaasi.

Henry, oo 43-jir ah, ayaa Jimcihii waxa uu farriin u reebay taageerayashiisa 2.3 milyan qof gaaraya ee uu Twitterka ku leeyahay, isagoo sheegay in dhibaatadu ay tahay “dhibaato wayn oo aan la dafiri karayn”.

Waxa uu sheegay inuusan baraha bulshada ku soo laaban doonin illaa shirkadaha “ay sharciyo xakameeyo barahooda dajiyaan kuwaas oo soo taagan oo la mid ah kuwa ay kula dagaalamaan dadka ku xadgudba xuquuqda muuqaallada”.

Henry waxa uu ku baaqay in tallaabo wayn la qaado.

Aad ayey u fududahay in koonto la sameysto, oo loo isticmaalo in dadka lagu handado oo lagu waxyeeleeyo iyadoon wax cawaaqib ah uusan qofka mutaysanayn weliba uu qofka si qarsoodi ah ku shaqeeyo,” ayuu qoray weerraryahankii hore ee Arsenal iyo Faransiiska.

“Heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada midab kala sooca, handadaadda iyo dhibaatada maskaxeed ee ka dhalata ee soo gaarta shakhsiyaadka waa dhibaato wayn oo aan la dafiri karayn.”

Henry ayaa waxa uu Arsenal u qaaday laba horyaalka Ingiriiska ah halkaas oo uu ka dheelayay intii u dhaxaysay 1999 illaa 2007.

Sibteembartii la soo dhaafay waxa uu faafaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdooyinkii midab takoorka ee uu la kulmay waayihiisii Arsenal iyo Faransiiska.

“Waa inaan dadka u sheegnaa inaan xanuun dareemayno”, ayuu yiri Henry. “Meeshii ugu dambaysay ayuu xaal marayaa. Si degdeg ah ayaad u hormaraysaa xaaladduse weli waa sideedii.”

Farriintiisa Jimcaha, ayuu Henry ku daray: “laga bilaabo beri subax, waxaan isaga baxayaa baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan illaa dadka awoodda leh ay u suuragasho inay barahooda ku xakameeyaan shuruuc la mid ah kuwa ay kula dagaalamaan dadka ku xadgudba xuquuqda muuqaallada”.

“Illaa ay arrintaas iska badashana waxaan xirayaa koontooyinkayga ay ku leeyahay baraha bulshada. Waxaan rajaynayaa in middaasi ay dhawaan dhici doonto.”

Shirkadaha baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ayaa waxa ay ku adkaysteen inay ka shaqaynayaan sidii ay dhibaatadaasi wax uga qaban lahaayeen hasayeeshee Xoghayaha Dhaqanka ee UK Olive Dowden ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay “inay qasab tahay in wax badan la sameeyo.”

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in “ay ka go’an tahay taabbagelinta hindisaha ay ugu magacdartay Kick It Out si wax looga qabto nacaybka dhanka online-ka, ayna sii wadi doonto wadaxaajoodka arrintaas ku saabsan iyo in xalka lala qaabeeyo saaxiibadda kubadda cagta”.

Instagram, oo ay leedahay shirkadda Facebook, ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadday 6.6 milyan oo walxood oo hadallo nacayb ah intii u dhaxaysay bilihii Oktoobar iyo Diseembar ee sanadkii tegay “tallaabo adag waxaan qaadi doonnaa markii aannu aragno dad ku xadgudbaya shuruucda u dagsan DMs [farriimaha tooska ah]”.

“Shaqadaas ayeynu sii wadi doonnaa, ogowna in dhibaatooyinkaas ay inaga wada wayn yihiin, marka waxaannu la shaqaynaynaa dadka kale si aan wadajir ugu qaadno isbadel bulsho innagoo tallaabo qaadayna dadkana wax barayna.”

Oliver Dowden
@OliverDowden
No one should have to switch off social media because of abuse. Social media firms must do more to tackle this and we are introducing new laws to hold platforms to account. This is complex and we must get it right, but I’m absolutely determined to tackle racist abuse online. twitter.com/ThierryHenry/s