Rajada Soo Muuqata ee in Wado tareena oo isku xidhi doonta Dekada berbera iyo khadka tareenka Ethiopia,

0
Shirkii maanta ee maalgelinta waddoonyinka Itoobiya, Dr Firehiwot waxa uu sharraxay mashruuca waddada tareenka ee Aysha (Itoobiya) iyo Berbera ( Somaliland).
Mashruucan oo lagu dhisayo waddo tareen oo dhererkeedu yahay 310KM oo kasoo baydha khadka tareenka ee isku xidha Addis-ababa iyo Djbibouti waxa uu isku xidhi doonaa magaalooyinka Aysha iyo magaalo dekedeeda Berbera waxaana uu ka koobnaan doonaa 60KM oo Itoobiya dhexmara iyo 250KM oo Somaliland ah.
Mashruucani waxa uu kor uqaadi doonaa khadka isgaadhsiinta ee ay marto alaabta kasoo degta dekedda weyn ee Berbera, kharashka uu ku kacayana waxaa lagu qiyaasey 1.5 billion oo dollar.
Sidoo kale mashruucan ayaa dalka Itoobiya u furi doona waddo kale oo ay usoo marto alaabta debedda uga timaaddaa.