Nin Soomaali ah oo Gargaar u fidiyay Qaxootiga Suuriya ee Turkiga

0

Taha Saalax oo ah wiil Soomaaliyeed ayaa u safray xero ku taalla dalka Turkiga si uu caawiyo qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool halkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta Daily Sabah.

Waxay intaas ku dartay in Taha uu ku dhashay Soomaaliya isla markaana uu ka qaxay dalka xilliggii dagaalladA sokeeye, wuxuuna ku noola dalka UK.

Markii uu booqasho ku tegay xerada ku taalla gobolka Şanlıurfa wuxuu lacago gaarsiiyay qaxootiga Suuriyaanka ah.

Taha Saalax wuxuu sheegay in markii uu baraha bulshada ka arkay dhibaatada ay ku nool yihiin qaxootiga uu lasoo xiriiriyay ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha gobolka.