Dagaalka Tigray: Sidan ayuu u dhacay xasuuqii laga gaystay magaallo qaddiimi ah oo ku taalla Itoobiya

0

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal” waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hasayeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baaritaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.Eritrea wali kama aysan hadlin eedeymahan.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi.

Warbixintan cusub ayaa muujineysa tacaddiyo iyo dambiyo la sheegay in ay magaaladaasi ka dheceen intii u dhaxeysay 19-kii ilaa 29-kii Nofeembar ee sanadkii tegay, xilligaasi oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay dagaal ugu jireen gacan ku haynta magaalada Axum.

Ciidammada Eritrea ayaa dhibka gaystay

Hay’addani Amnesty International ayaa caddeymo ka uruurisay dad ka badbaaday tacaddiyadaasi oo ku sugan gudaha gobolka Tigray iyo xeryo qaxooti oo ku yaal dalka Suudaan.

Amnesty waxay sidoo kale isticmaashay sawirro dhanka satellite-ka ah oo ay sheegeyso in ay muujinayaan xabaal wadareedyo ku yaal agagaarka magaaladaasi.

Sida ku cad warbixintan, rabshadaha ayaa intooda badan dhacay 28 iyo 29-kii Nofeember, xilligaasi oo ciidamo ka socda dalka Eritrea sida la sheegay ay magaaladaasi baaritaan guri-ka guri ah halkaas ka sameeyeen, iyagoo laynayay ragga iyo wiilasha isla markaana si ula kac leh u tooganayay dadka rayidka ah.

Codsiga Baaritaanka Qaramada Midoobay

Magaalada Axum ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ismaamulka Tigreeda oo xuddun dhexaad u noqotay colaadda u dhaxeysay dowladda Itoobiya iyo xubnaha xisbiga TPLF ee xukunka laga tuuray.

Isgaarsiinta oo go’an iyo xayiraado dhanka isu socodka ah oo ka jiray gobolkaasi ayaa adkeeyay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo sheegashooyinka la xiriira colaaddan.

Balse xilli colaadda gobolkaasi ay sii yaraaneyso ayaa waxaa dhanka kale soo baxaya warar ku saabsan tacaddiyo iyo gabood-falyo ka dhan ah xaquuqul insaanka oo gobolkaasi ka dhacay.

Dowaladda federaalka ee Itoobiya ayaa si tartiib tartiib ah u qiranayso qaar ka mid ah eedeymaha loo soo jeedinayo, sida kufsi baahsan oo gobolkaasi ka dhacay.

Hay’adda Amnesty International ayaa warbixintan cusub ee ay soo saartay ugu baaqday Qaramada Midoobay in baaritaan ay ku sameyso dagaalkii ka dhacay Axum iyo in si shuruud la’aan ah gargaarka loogu ogolaado in la gaarsiiyo guud ahaan gobolkaasi.