Wefti u hogaaminaayo C/raxmaan Cirro oo Gelbinaya Musharaxa loo wado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land oo si Mug & Miisan leh loogu soo dhaweeyay Gobolka Sool

0

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo weheliyaan hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye xigeenka 1-aad Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa Saaka si diirran loogu soo dhaweeyay degaanno ka mid ah gobolka Sool

Boqolaal dadweyne ah oo ah taageerayaasha Xisbiga Waddani, ayaa soo dhaweyn diiran ku qaabilay Gudoomiye Cirro & Murashax Cabdirisaaq Khaliif oo u tartamaya Golaha Wakillada.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlayey Dadweynaha soo dhaweynta ka qayb galay ayaa shaaciyey in ay Cabdirisaaq Khaliif u wadaan Guddoomiyaha Wakiillada
“Waxaanu idiin wadnaa Guddoomiyaha Soo socda ee Golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq khaliif” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro