Nin u dhashay UK oo dowladda Iiraan lug uga baxsaday isagoo xabsi loo wado

0

Kameel Ahmady wuxuu isagoo lugeynaya ku safray dhul buuraleey ah, si uu uga baxsado militariga Iiraan

Aqoonyahan heysta dhalashada UK iyo Iiraan oo wajahayay inuu sagaal sano oo xabsi ah ku qaato gudaha Iiraan ayaa BBC-da uga warramay sida uu uga soo baxsaday ciidamada dowladda, isagoo ku lugeeyay dhul buuraleey ah. Ugu dambeyn waxaa u suuragashay inuu nolol cusub ka billaabo UK.

Ninkan, oo lagu magacaabo Kameel Ahmady, waxaa labo bilood ka hor lagu riday xukun ku saabsan in uu la shaqeynayay dowlad cadow ah. Isagu wuu beeniyay dacwadaha loo heystay.

Wuxuu go’aan ku gaadhay inuu isku dayo inuu baxsado inta uu damiinka bannaanka ku joogo isla markaana uu sugayo racfaanka xukunka.

Ahmady wuxuu ku lugeeyay buuraha dhexdooda si uu uga baxsado ciidamada kacaanka Iiraan – safarkaasna wuxuu ku qeexay mid “aad u dheeraa, mugdi badnaa, cabsi badanna lahaa”.

Kameel Ahmady wuxuu go;aansaday inuu ka cararo Tehran xilli uu bannaanka ku joogay damiin

Subax ka mid ahayd bishii August ee sanadkii 2019-kii, nin ayaa yimid albaabka gurigiisa magaalada Tehran, isagoo u sheegaya inuu warqado wado. Mr Ahmady albaabkii ayuu furay waxaana islamarkiiba gudaha xoog kusoo galay 16 ka mid ah ciidamada kacaanka Iiraan. Waa la xiray waxaana la geeyay xabsiga Evin.

Mr Ahmady wuxuu sheegay in loo bartilmaameedsaday sabab la xiriirta labada dhalasho ee uu heysto iyo sidoo kale in dowladda Iiraan ay rabtay inay Britain ka aarsato markab saliid oo laga qabsaday kaddib markii lagu tuhmay inuu ku xadgudbay cunaqabateynta Midowga Yurub.

“Marka aad heysatid labo dhalasho mar walba waxaad tahay bartilmaameed,” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da.

“Ninka hoggaaminayay kooxda su’aalaha i weydiineysay wuxuu yidhi. ‘Aad baan u raadinnaa adigoo kale,’ sababtoo ah tan koowaad waxaan ahaa Kurdish, tan labaadna waxaan kasoo jeedaa sunniyiin taasoo lid ku ah aqlabiyadda Iiraan oo Shiico ah, tan saddexaad waxaan cilmibaaris ka sameynayay arrimo xasaasi ah. Runtii cilmibaaris iska sahlan ma aanan sameyneynin, waxaan cilmibaaristeyda u adeegsanayay inaan dadka ku wacyi galiyo.”

Wuxuu muddo saddex bilood ah ku jiray xabsiga Evin, halkaas oo ay su’aalo jahwareer ah ku weydiinayeen kooxda baareysay.

Saddex bilood kaddib waa la sii daayay si ay maxkamadeyntiisa u billaabato, laakiin il gaar ah ayaa lagu hayay.

Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Mr Ahmady waxaa lagu riday xukun ku saabsan in uu la shaqeynayay dowlad cadow ah, kaddib markii ay dacwad oogeyaasha sheegeen in shaqo samafal ah oo uu sameynayay mar dhaqaale ay ka heshay Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale wajahayay dacwado kale, oo ay ka mid tahay inuu cilmibaaristiisa ku dhiirrigalinayay arrimo la xiriira jinsiga oo mamnuuc ka ah dalka Iiraan.

Waxaa lagu xukumay xabsi ka badan sagaal sano iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo kor u dhaafaya £500,000 ($683,000). Hase yeeshee intii uu damiinka ku joogay bannaanka ayuu go’aansaday inuu ka baxsado Iiraan.

Wuxuu yidhi: “Racfaankii waa la diiday. Markaas ayaa hoosta ka xariiqday in aan cararo, sababtoo ah ma dooneynin inaan xabsi ku qaato 10 sano, wiilkeygana aan ka maqnaado inta uu korayo. Marka la i sii deynayo – waaba haddiiba la i sii daayee – wiilkeyga wuxuu ahaan lahaa 15 sano jir.”

Waan iska baxay uun. Boorsada waxaan ku qaatay mikiinadda timaha lagu xiirto, dhowr buug oo aan lahaa iyo laptop.”

“Iyo dharka dhaxanta celiya, sababtoo ah waxaan ogaa inaan ka boodi doono tareenka dhex maraya buuraha. Wuxuu ahaa safar qabow badan, aad u dheer, aad u mugdi badan, aadna u cabsi badan.”

“Waan ku khasbanaa inaan ka tago qof kasta oo aan jeclaa, dadkeygii aan usoo dadaalay iyo saaxiibbadii aan xiriirka lahayn dhammaantood. Waxay ahayd arrin murugo badan iyo cabsi ii leh. Haddii mar kale la i xiri lahaa, dib ayaa la iigu celin lahaa garsoorka maxkamadda, Ilaah ayaana og xaaladdu sida ay noqon lahayd.

“Waxaan qaatay go’aan aad iyo aad u adag. Niyad ahaan ayuu u qallafsanaa. Maskax ahaan iyo jir ahaanna wuu u adkaa go’aankaas. Waxay ahayd tallaabo aanan ku faraxsaneyn. Way igu khasbeen. Aad baana u murugesnaa.”

Mr Ahmady hadda wuxuu UK ku wajahayaa mustaqbal mugdi ah, maadaama uusan heysanin wax shaqo ah.

“Waan ku khasbanaa inaan tallaabadaas lama huraanka ah qaado. Uma dulqaadan karin inaan 10 sano xabsi isaga jiro. Wax badan ayaa qaban karaa marka aan bannaanka joogo, mas’uuliyad ayaana iga saaran qoyskeyga.”

Su’aasha hadda taagan waxay ku saabsan tahay sida ay Iiraan uga jawaabi doonto arrintan iyo waxa ay dareemi karaan dadka kale ee heysta dhalashooyinka Britain iyo Iiraan.