Xildhibaanno Kenyan ah oo isugu gacan qaaday goob ay tacsi ka socotay

0

Sawir muujinaya labo xildhibaan oo baarlamaanka Kenya ka tirsan oo isu gacan qaadaya

Booliska Kenya ayaa ku qasbanaaday in ay kala dhexgalaan laba xildhibaan oo kala taabacsan madaxwayna kuxigeenka William Ruto iyo rai’sul wasaarihii hore Raila Odinga oo isku fara saaray goob ay tacsi ka socotay.

Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay xildhibaanka laga soo doorto waqooyiga Dagoretti, Simba Arati, isla markaana uu wax uga sheegayay madaxwayna kuxigeenka William Ruto ayaa waxaa ka dhashay dagaal.

Arrintan ayaa sababtay in xildhibaanka Konfurta Mugirango, Slyvanus Osoro, oo ka mid ah xildhibaanada taabacsan Ruto inta uu soo istaago uu makarafoonka la qabsado xildhibaan Arati taasi oo keentay gacan ka hadal.

Xildhibaan Arati ayaa ku eedeeyay madaxwayna kuxigeenka iyo siyaasiyiinta kale ee la socda musuq maasuq.

Labada xildhibaan oo meykarafoonka isla haysta

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda siyaasadda ee dalka Kenya ay cirka isku sii shareereyso.

Waxaa Kenya imika ka socda olola la doonayo in dastuurka wax looga bedalo, gaar ahaan nidaamka ay dowladda u dhisan tahay.

Ololaha ayaa waxaa taageersan oo wada madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo ra’iisul wasarihiin hore ee dalka, Raila Odinga.

Balse waxaa in dastuurka wax laga bedalo ka soo horjeeda madaxwayna kuxigeenka dalka William Ruto.

Waxaa muddooyiinkii dambe ay xildhibaanada kala taabacsanaayeen Raila Odinga iyo William Ruto