Qalalaasaha Tigray: Geerida nin indhaha naafo ka ahaa oo arrin shaaca ka qaadday

0

Dhaawacyadii Asmelash Woldeselassie noloshiisa kala dhimay, iyo hadda oo uu geeriyooday, ayaa muujinaya sida ay kharaase lixaad leh u dhaliyaan dagaallada ka dhaca gobolka buuraleyda ah ee Tigray.

Xilli u dhow markii uu ku biirayay xisbiga xoreynta Tigray ee TPLF oo la aasaasay 1975-kii, ayuu Asmelash aragiisa ku waayay duqeyn loogu geystay goob uu ku dhuumanayay oo ku taalla buuraleuda Imba Alaje. Xilligaas waxaa socday dagaalkii ku idlaaday ku dhufo oo ka dhaqaaq ee ay wadeen maleyshiyaadkii ku sii siqayay magaalada caafimadda ah ee Addis Ababa, si ay xukunka uga tuuraan Mengistu Haile Mariam sanadkii 1991.

Kaddibna, markii 1998-kii ay dowladdii TPLF dagaal xuduudda kula gashay Eritrea, Asmelash wuxuu gacantiisa bidix ku waayay duqeyn lagula beegsaday magaalada caasimadda u ah gobolka Tigray ee Maqalle.

Intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay ee sababay in TPLF ay dib ugu laabtaan dhumaaleysiga iyo ku dhufoo ka dhaqaaqda, Asmelash – oo xubin ka ahaa golaha fulinta ee xisbiga – ayaa hal meel lagu dilay isaga isaga labo xubnood oo rug caddaayo ka ahaa xisbiga – kuwaasoo kala ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin iyo wasiirkii hore ee arrimaha federaalka, Abay Tsehaye.

Tigray waa gobol buuraley ah oo dad badan

Ra’iisul Wasaaraha 44 jirka ah ee Itoobiya, Abiy Axmed – oo amray howl-galka ugu dambeyn lagu dilay raggaas – wuxuu ahaa xubin hoose oo ka tirsan dowladdii isbahaysifa ay hoggaaminayeen TPLF ilaa laga soo gaadhay markii uu xukunka qabsaday sanadkii 2018-kii.

Hadda, isaga iyo TPLF waxay isku yihiin cadow ku dagaallamaya gacan ku heynta gobolka Tigray, oo ah mid muhii ah oo xad la wadaaga Sudan iyo Eritrea. Waxaa gobolkaas ku yaalla waddooyinka loo maro badda Cas ee maraakiibta laga dhoofiyo.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa lagu soo warramay in uu ciidamo u diray gobolka Tigray si ay uga garab dagaallamaan militariga federaalka Itoobiya, dadka qaarna waxay sheegeen in sababta uu ciidanka u diray ay tahay si uu uga aarguto ceebtii kasoo gaartay dagaalkii xadka ka socday 1998-kii ilaa 2000 oo lagu dilay ilaa 100,000 oo ruux.

Hase yeeshee, labada dowladoodba way beeniyeen in ciidamada Eritrea ay halkaas tageen, inkastoo dad badan oo reer Tigray ah, kuwo reer Eritrea ah iyo dowladda Mareykankuba ay sheegeen in ay dagaalka ku jireen ciidamada Eritrea.

Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay inuu ku guuleystay dagaalka uu la galay TPLF kaddib markii ay ciidamada federaalku la wareegeen magaalo madaxda gobolkaas ee Maqalle, 28-kii bishii November.

Laakiin wuxuu wacad ku maray in uu sii socon doono ugaarsiga lagu hayo xisbiga TPLF oo la sheegay in ay heysteen ciidamo gaaraya ilaa 250,000 oo dagaalyahan.

Sida loo dilay rug caddaayadii TPLF

Wali ma cadda sida ay ku dhinteen Asmelah, Seyoum iyo Abay – oo dhammaantoodba ay da’doodu ka sarreysay 60 sano. Dadka qaar waxay sheegeen in si gaadmo ah lagu dilay, laakiin warka rasmiga ah ee dowladda Itoobiya ay shaacisay wuxuu ahaa in lagu dilay god ay ku jireen kaddib markii ay diideen in ay isdhiibaan.

Geeridooda waxay qarisay qabashada hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee TPLF – kuwaasoo uu ku jiro Sebhat Nega, oo warbaahinta lagu soo bandhigay isagoo gacmaha ka xiran rafaad badanna uu ka muuqdo sida markii la qabtay hoggaamiyihii hore ee Ciraaq Saadaam Xuseen sanadkii 2003-dii.

Awol Allo@awolalloI don’t know what charges the AG will press against Sibhat Nega. In a country where there is no distinction between justice & vengeance, anything is possible – look at the show trials of the last decade. But if govt is to give him a fair trial, conviction may not be as easy.

Faisal Roble, oo ka tirsan hayadda Cilmibaarista Geeska Afrika ee fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegay in taageerayaasha Abiy Axmed ay u dabaal dagayaan waxa ku dhacay ragga dalka Itoobiya kusoo maamuli jiray gacanta adag tan iyo markii ay mudaharaadyo waaweyn dhaceen ku dhawaad saddex sano ka hor, sidaasna uu xukunka kula wareegay Mr Abiy.

“Waxay dheheen: Gacanta ayaan ku dhignay TPLF. Waan burburinnay. Waligood dambe dhib nooma keeni karaan.’

“Laakiin dadka reer Tigray – oo ay ka mid yihiin kuwa aan waligood taageerin TPLF – waxay leeyihiin: ‘Waxaad disheen Asmelash, oo ahaa nin aragga naafo ka ah, Seyoum, oo dhabarka qalliin ka maray socodkana uu ku adkaa, Abay, oo maray qalliin wadnaha ah, waxaadna bahdilaad ku sameyseen Sebath, oo aan fuuli karin labo jaranjaro. Raggan waa halyeeyadeenna.'”

Dad badan oo reer Tigray ah ayaa ku barakacay dagaalka

Hayadaha gargaarka bani’aadannimo waxay soo tabiyeen in dagaalka ka dhacay Tigray uu sababay dhibaato xoog badan, uuna kusoo aaday xilli uu socday cudurka safmarka ah ee corona islamarkaana uu ayax waxyeello u geystay beero badan