Dowladda Itoobiya oo “hor-istaagtay” gargaarka gobolka Tigray,

0

Guddoomiyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa dowladda Itoobiya ku booriyay in hay’adaha gargaarka u oggolaato inay galaan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii gobolkaas ku dhexmaray dowladda iyo kooxda TPLF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr Abiy Axmed ayaa dagaal kula jirtay kooxda TPLF oo mar dalkaas awood badan ku lahayd.

Dad lagu qiyaasay 60 kun ayaa u qaxay dalka deriska ah ee Sudan, halka kuwa kalena la aaminsan yahay inay ku barakaceen gudaha dalkaas. Inta badan gobolka Tigray ayaa waxaa ka maqan isgaarsiinta.

Laba bilood kahor ayay ahady markii dowladda Itoobiya ay guul ka sheegatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada gobolka Tigray.

Madaxa hay’adda UNHCR ee qaxootiga, Filippo Grandi oo booqday xero qaxooti oo ku taalla waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa sheegay in inkastoo ay jirto xaalad amni darro, haddana loo baahan yahay in dowladda ay gargaarka u fasaxdo gobolkaas.

“Qaramada midoobay waxay ka shaqeysaa Yemen iyo waqooyiga Suuriya, waxaana jira hannaan dhisan oo aynu ugu diyaar garownay in aynu wadahadal kula furno dowladda , taas oo durbaba aan bilownay in aynu kala hadalno dowladda, si aynu uga shaqeyno goobaha dagaalladu ka jiraan”, ayuu yiri Filippo Grandi.

Sidookale hay’adda qaxootiga caawisa ee dalka Norway, ayaa sheegtay in dad aad u kooban oo ay saameeyeen dagaallada loo gargaaray.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed oo horay ugu guuleystay billadda nabadda ee Nobel sanadkii 2019, ayaa haatan caalamka kala kulmaya cadaadis iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

xigasho bbc