Wasiir amar ku bixiyay arrin dad badan oo reer Uganda ah ay ka argagaxeen

0

Dibadbaxayaasha iyo Booliiska ayaa foodda isdaray

Booliiska dalka Uganda ayaa xaq u leh inay toogtaan dibadbaxayaasha haddii “ay gaaraan heer rabshado ay ku kacaan”, waxaa sidaasi sheegay wasiirka amniga Elly Tumwine.

Isku dhaca booliiska iyo dibadbaxayasaah ayaa ka dhashay ka dib markii ay booliiska xireen musharax madaxweyne Bobi Wine oo sidoo kale ah fanaan caan ka ah dalka Uganda.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay dibaxani ka socday dalka Uganda tan iyo Arbacadii.

Bobi Wine ayay booliiska Uganda ku eedeeyeen in uu jabiyay xeerarka lagu xakameynayo faafida feyriska Corona ka dib markii u ka qeyb galay isu soo bax uu musharaxnimadiisa ugu ololeynayay.

Balse hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxay sheegayaan in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwa looga gol leeyahya in lagu cadaadiyo mucaaradka ka hor doorashada guud ee lagu wado in Uganda ay ka dhacdo bisha January.

Fanaankan oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa ka mid ah 11 musharax oo shaaciyay inay doorashada kula tartami doonaan madaxwayne Yoweri Museveni, oo xilka dalkaasi hayay tan iyo 1986.

Fanaankan ayaa imika xabsiga looga siidaayay damaanad ka dib markii Jimcihii la horkeenay maxkamad.

Booliiska Uganda oo xiraya qaar ka mid ah taageerayaasha Bobi Wine

Xarigiisa labo maalmood ka hor ayaa waxaa ka dhashay caro iyo dibadbax ay dhigeen taageerayaashiisa.

Koox dhalinyaro ah ayaa isugu soo baxay waddooyiinka caasimadda Kampala, iyaga gubayay taayaro, islamarkana waxay foodda is dareen ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa ku jawaabay suntan dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas si ay u kala ceyriyaan.

Isaga oo farta ku fiiqaya in 11 askari oo booliiska ka tirsan la dhaawacay ayuu wasiirka amniga gudaha Uganda Mr Tumwine waxaa uu wariyayaasha u sheegay “Booliiska waxay xaq u leeyihiin inay ku toogtaan ayna ku dilaan haddii aad gaarto heer rabshado aad ku kacdo “.

“Ma ku celiyaa? Booliiska waxay xaq u leeyihiin inay ku toogtaan wax micno ah oo aad ku dhimatay-na ma laha hadaba naftaada ilaali.”

Bayaan, ay soo saareen booliiska ayaa waxay ku sheegeen in dibadbaxyada ay ku dhinteen 28 qof, balse wakaalada wararka ee AP oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan qeybta caafimaadka ee booliiska ayaa tirada ku sheegay 37 qof.

Bishii June Bobi Wine waxaa uu wacad ku maray in uu uusan u hoggaansami doonin mamnuucidda in isu soo baxyo la qabto xilligan uu jiro Corona.

Waxaa uu madaxwayne Musavani ku eedeeyay in “in uu ka baqayo dadka “.