Qalalaasaha Itoobiya: Abiy Axmed oo ka hadlay xasuuq la sheegay in uu ka dhacay gobolka Tigray

0

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku eedeeyay xoogagga Tigreega inay Isniinti fuliyeen xasuuq ay hay’adda Amnesty International sheegtay in lagu laayay boqolaal qof oo rayid ah.

Muuqaal uu barta Facebook soo dhigay ayuu, Mr Abiy ku sheegay in milatariga fedaraalka ay xoreeyeen dhanka galbeed gobolka Tigreeda.

Madaxda xoogagga Tigreega ayaa dhankooda beeniyay in ay wax xasuuq ah geysteen.

Waxaa aad u adag in warar sax ah oo labada dhinac ka madaxbanaan laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo ee gobolka Tigreeda.

Hadalka rai’sul wasaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay ahayd ay hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shaacisay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaadhayaan boqollaal ruux.

“Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Sarkaalka u hadlay hay’adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.

“Dowladdu waa inay dib u soo celiso isgaarsiinta gobolka Tigray si wax looga ogaado ficillada ay milatarigeeda ka sameynayaan gobolka, loolana xisaabtamo, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo adeegyada bani’aadannimo ee ay sameynayaan hayadaha gargaarka iyo kuwa kormeera xuquuqda aadanaha. Amnesty International waxay si walbaba sii wadi doontaa inay wax kasta u adeegsato diiwaangalinta lagu sameynayo xaaladda iyo soo bandhigidda xadgudubyada ay sameynayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo la soo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay xasaradda gobolka Tigray oo in muddo ahba taagnaa.

XIGASHO BBC