Safiirka Somaliland U Jooga Jabuuti Iyo Wafti Balaadhan Oo U Hoggaaminayo Oo Kormeer Shaqo Ku Maraaya Magaalooyinka

0

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. Cabdifatax iyo Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayo oo Kormeer shaqo ku Gaala-bixiyey Magaalooyinka Toqoshi Iyo Saylac oo laga Hirgelin doono Mashaaric Horumarineed…

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo hoggaaminaya waftiyo Balaadhan, ayaa Maanta socdaal shaqo ku yimi Magaalooyinka Toqoshi iyo Saylac.
Safiir Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Hoggaaminayey laba Wafti oo ka kala socday labada wadan ee Jabuuti iyo Holland.


Ujeedada waftiga ayaa ahayd hirgelinta mashaaric Horumarineed oo laga kala fulin doono Deegaanka Toqoshi iyo Saylac. Ugu horayn waftiga ayaa booqday Magaalada Toqoshi, halkaas oo laga hirgelin doono mashruuca wax soo saarka Milixda, iyadoo ay mashruucaas dhowaan ka wada-hadleen labada Madaxweyne ee dalalka Somaliland iyo Jabuuti, iyagoo isla meel dhigay in suuq loo raadiyo Milicda, sidoo kalena kor loo qaado wax soo saarka milixda iyo xirfada dadka Deegaanka Toqoshi.
Sidoo kale, waxa waftigu Kormeer kusoo sameeyeen Magaalada qadiimiga ah ee Saylac, oo laga hirgelin doono Dhismaha Deked yar oo Kaluumaysi iyo sidoo kale Moos weyn oo lagu wareejin doono Magaalada Saylac, si Biyaha Bada looga diffaaco Magaalada oo habeenkii Biyaha Baddu soo galaan.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo Kordha la soco qaybaha dambe.