Sanjay Dutt: Waan ku guuleystay dagaalkii adkaa ee aan ku jiray

0

Xiddigga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka, Sanjay Dutt, ayaa shaaciyay inuu ka bogsaday xanuunka cancer-ka oo uu la tacaalayay bilihii lasoo dhaafay.

Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu “guul kasoo hoyiyay” dagaalkii uu kula jiray cudurka.

“Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen waqti ku adag qoyskeyga iyo anigaba. Laakiin waxay dhahaan Ilaah wuxuu dagaalladiisa ugu adag u diraa ciidamiisa ugu awoodda badan. Maantana, iyadoo ay ku aaddan tahay munaasabadda dhalashada ilmaheyga, waxaan ku faraxsanahay inaan dagaalkan kasoo baxay anigoo guuleystay , aana awood u yeesho inaan siiyo hadiyadda ugu wanaagsan ee aan u awoodo– oo ah caafimaadka qoyskeenna,” ayuu Sanjay Dutt ku yidhi qoraalkiisa.

“Arrintan suuragal ma noqoteen haddii aanan taageero buuxda idinka heysanin dhammaantiin. Waxaan mahadcelin siinayaa qoyskeyga, saaxiibbada iyo dhammaan taageerayaasha i garab istaagay dhiirrigalintana ii noqday waqtigan adag. Waad ku mahadsan tihiin jacaylka, naxariista iyo ducooyinka aan tirada lahayn ee aad ii soo dirteen,” ayuu sii raaciyay.