Kala Garo: “Hogaamiye Iyo Siyaasi”Cali Guray.

0

Hogaamiyaha iyo Siyaasiga isku mid maaha. Nilsson Mandela oo Koonfur Afrika Madaxwayne ka ah ayaa la waydiiyay “dadka yaad ugu jeceshahay” wuxu yidhi “qofka Qalad aan leeyahay ii sheega” Siyasiguna waa qofka uu ugu neceb yahay oo isagu marka uu madaxwayne noqdo gaar ahaan dunida sadexaad wuxu ugu jecel yahay qof mar kasta ku yidhaa adigaa sax ah. Xataa hadii uu qaldan yahay oo jar kasii dhacaya ku soco waa banaan eh wax aan ahayn laguma odhan karo., qofka ku yidhaa “Madaxwayne waa jar eh ka soo joog”, markiiba wuu qamacayaa oo wuxu u qaadanayaa in uu yahay cadowgiisa.

Hadaba waxa la yidhaa ummadi iskama noqoto ummad ilaa uu mar dhexdooda ka soo baxo qof hogaamiye ah oo hogaanka mar u qabta oo ka gudbiya qaybqaybsanaantii iyo qoloqoladii oo gaadhsiiya qaranimo ama ummadnimo. Markaa hogaamiyuhu waa Hibo Alluhu bixiyo inta badan oo wuxu yeeshaa karti, daacad Nimo, iyo weliba aftahannimo uu ku kasban karo qalbiyada iyo maskaxaha dadkiisa oo uu ku qancin karo danta ay wada leeyihiin.

Ilaa nebi Aadan hogaamiyihii ugu waynaa ee dunida soo maray waxa la isku raacsan yahay, oo xataa dad aan diinta Islaamkaba haysani ay qirsan yihiin in uu ahaa Nebi Muxaned Scw. Bal hadana xukaamta wadamada Islaamka looguma taag helo inay kaga daydaan hogaamin ta nebigoodii suubanaa Scw. Waxa uga dhaw oo wax badan ka soo qaatay kuwo aan iyagu ahayn muslinka. Xukaamta dunida Islaamka marka aad u fiirsato way ka siman yihiin nacaybka runta oo beenta ay raalida ka yihiin in lagu raaligeliyo ayay ka jecel yihiin ee yay kaga day Deen ma Nebi Muxaned? Xaashi maya shaydaan bay kaga daydeen. Ilaahay muslimiinta hogaamiyayaal wanaagsan oo Alle yaqaano ah ha siiyo

Siyaasi Cali gurey