Yaa ku guulaystay abaalmainta nabadda ee Nobel-ka?

0

Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay “sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac”.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).

Guulaystaha 101aad ee ku guuleysata abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd “daqiiqado lagu faano”.

WFP waxay ku qiyaastay inay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.

Dadkii hore ugu guulaystay?

Abaalmarinta Nobel ee Nabadda sannadkii la soo dhaafay waxaa la siiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo heshiiskiisa nabadeed ee uu la galay Eritrea uu soo afjaray ismari waagii 20 sano ee milatari ka dib dagaalkooda xadka 1998-2000.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii 2009, “dedaalkiisa uu ku xoojinayay diblomaasiyadda caalamiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya dadka”

Guuleystayaasha kale ee xusidda mudan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter (2002); u dhaqdhaqaaqaha waxbarashada carruurta ee Malala Yousafzai (lala wadaagay 2014); Midowga Yurub (2012); Qaramada Midoobay iyo xoghayihii guud ee waqtigaas, Kofi Annan, (oo l wadaagay 2001); iyo Mother Teresa (1979).

Maxay tahay billaddani?

Abaalmarinta Nobel waa mid ka mid ah abaalmarinaha adduunka ugu muhiimsan.

Waxaa loo bilaabay si waafaqsan doonista hal-abuurkii reer Sweden Alfred Nobel, iyadoo abaalmarintii ugu horreysay la siiyay 1901.

Abaalmarinta Nobel ayaa dhowr qaybood lagu siiyaa dadka “kuwaas oo waxtarka ugu weyn u yeeshay aadamaha” 12-kii bilood ee la soo dhaafay

Qofka qaata abaalmarin kasta oo Nobel ah wuxuu qaataa saddex waxyaalood:

Waxaa jiray sannado qaar abaalmarinta aan la bixin – badiyaa intii lagu jiray labadii dagaal ee adduunka.

Nobel Foundation waxay xukuntay haddii qofna uusan u qalmin abaalmarinta qayb gaar ah, lama siinayo oo abaalmarintaas waa la hayaa sanadka soo socda.