Muxuu yahay dholla-tuska isu caga jugleynta millitari ee Turkiga iyo Giriigga?

0

Turkiga iyo Giriiggga ayaa labaduba ku dhawaaqay in jasiiradda Crete ay maanta ka sameeynayaan dhuulla-tus milatari inkastoo ay sare u sii kacaysay xasaradda u dhaxeeysa labada dal taasi oo salka ku haysa sheegashada saliida iyo gaaska ee badda Mediterranean-ka.

Turkiga ayaa digniin u diray maraakiibta dalka Giriigga ee agagaarkaasi ku sugan iney ka fogaadaan. Gririigga ayaa ku dhawaaqay inuu dhulla-tus milatari sameeynayo kaddib markii uu Turkiga sheegay inuu sii ballaarinayo howgalkiisa baarista gaaska ee badda Mediterranean-ka.

Jarmalka ayaa maanta wasiirkooda Arrimaha dibadda Heiko Maas u dirayo magaalooyinka Athens iyo Ankara si loo yareeyo xasaradda u dhaxeesa labada xukuumadood.

Mr Maas ayaa la kulmi doono Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriigga Kyriakos Mitsotakis ka hor inta uusan Ankara kula kulmin dhiggisa Turkiga.

Turkiga iyo Griigga oo ah laba dal oo ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa haatan isku khilaafsan Saliidda iyo Gaaska laga helay inta u dhaxeeysa Crete iyo Khubrus.

Giriigga ayaa waxa uu ka tirsan yahay midowga Yurub oo haatan doonayo in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka labada dal hase yeeshee Faransiiska ayaa u muuqda inuu khilaafka ka ahayn dhex-dhexaad oo waxa uu goor dhoweyd dhoolla-tus milatari la sameeyay Giriigga.

Turkiga ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu sii wadi doono baaritaanka saliidda ee uu ka wado badda tan iyo 27-ka Ogosto. Hadalkaasi ayaa waxaa uu ka careeysiiyay Griigga oo baaritaankaasi u arko mid sharci darro ah, waxa uuna sheegay inuu badda ka sameeynayo dhuulla-tus milatari.

Xiriirka Turkiga iyo Giriigga ayaa xumaaday dhowr goor oo hore tobanaankii sanno ee la soo dhaafay kaddib markii markii ay isku khilaafeen jasiiradda Aegean.

Siduu u xumaaday xiriirka?

Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya keydka Gaas islamarkana waxay isku khilaafsan yihiin cidda xaqqa u leh goobo muhiim ah oo ku yaalla bariga badda Mediterranean-ka .

Waxay ku muransan yihiin goobo cayiman oo dal walba uu sheeganayo inay dhulkiisa ka tirsan yihiin.

Bishii July, Turkiga ayaa waxay bixiyeen digniin dhanka badda ah taasi oo loo yaqaano Navtex waxayna sheegeen in markabka Oruc Reis oo ah mid sahmiya shidaalka ay u dirayso meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo, oo masaafo yar u jirta xeebta koonnfur galbeed ee dalka Turkiga.

Markii ay Turkiga digniinta bixiyeen kama uusan soo shiraacan dekadda Turkiga ee Antalya.

Balse digniintaasi ayaa markiiba sababtay in milatariga Giriigga heegan sare la galiyo, waxaana bilaabatay cabsida laga qabo in uu isku dhac ka dhaca meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo.

Xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga ayaa muddo bilooyiin ah waxaa uu ahaa mid wiiqmay.

Labada dal waxyaabaha kale ee ay ku muransanayeen waxaa ka mid ahaa muhaajiriinta ka soo gudbiyo dhanka Turkiga ee u soo talaabaya Giriigga.

Giriigga ayaa sidoo kale aad uga naxay ka dib markii madxafkii Hagia Sophia ee ku yaalla Istanbul loo badalay masaajid.

Waxay labada dhinac mujiyeen inay ka go’an tahay wadaxaajood ka dib markii Jarmalka ay soo faragaliyeen islamarkana dagtay xiisadda labada dal.

Balse horraantii bishan August Giriiga ayaa waxay heshiis dhanka badda la galeen Masar taasi oo Turkiga ka careysiisay.

Wadahadaladii ayaa la baajiyay islamarkana waxaa 10 August dekadda ka soo shiraacday markabka Oruc Reis.

Maalinkii xigtay markabka Oruc Reis ayaa la sheegay in uu joogay biyaha u dhaxeeya jasiiradaha Crete iyo Qubrus.