Dowladda Libya oo xabbad-joojin la gashay janaraal Xaftar

0

Dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin ay la saxiixatay janaraalka mucaaradka ah, Khalifa Xaftar.

Madaxa dowladda GNA, Fayez al-Sarraj, ayaa ku amray ciidamada dowladda inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay tallaabadaas.

Horraantii sanadkan janaraal Xaftar, oo saldhiggiisu uu yahay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Benghazi, ayaa ku guul darreystay inuu la wareego caasimadda Tripoli, kaddib markii Turkiga uu xoojiyay taageerada milatari ee uu siiyo ciidamada dowladda.