Waa kuma madaxweynaha kaligii taliyaha ah ee ku haray qaaradda Yurub?

0

Alexander Lukashenko, inta badan waxaa lagu tilmaamaa digtaatooriga kaliya ee ku haray Yurub. Waxa uu dalka ka talinayay 26-kii sanno ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee haatan waxa uu wajahayaa dibadbaxyo ka dhan ah dib usoo doorashadiisii ugu dambeysay oo lagu sheegay iney ahayd mid musuq ku timid waxaana loogu baaqayaa inuu xilka iska casilo.

Waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee la doorta 1994-tii, waana doorashada keliya ee ay Beesha Caalamka ku tilmaameen iney ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Mr Lukashenko waxaa dib loo soo doortay 5 goor oo ay mid tahay doorashadii dhacday 9-kii August taasi oo uu heley boqolkiiba 80.

Sidaa darteed Waa kuma Alexandre Lukashenko,? Sidee ayuuna ku badbaaday muddadaasi dheer?

Lukashenko oo ka qeyb galay gaardi military, 1998

Mr Lukashenko waxaa marki ugu horreysay xildhibaan loo doortay 1990-kii, kaddibna isagoo xildhibaan ah ayuu ku biiray guddiga la dagaalanka musuqa oo uu aad uga soo dhexmuuqday.

Markiisii hore waxaa uu ahaa qof deggan waxa ayna hooyadii oo garoob ahayd ku soo barbaarisay tuulo sabool ah oo ku taallo bariga Belarus.

Lukashenko waxa uu qalin jabiyay 1975-tii isagoo bartay macallinnimo kaddibna laba sanno oo tababar milatari ah ayuu qaatay. 1979-kii waxa uu ku biiray xibigii shuuciga ah ee Midowga Soviet.

Kaddib markii uu shahaada koobaad ka qaatay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha, waxa uu 1985-tii noqday guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin beeraleeyda ka hor inta uusan noqon agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ee dalka sannadkii 1987-dii.

Mr Lukashenko iyo Vladimir Putin oo wada cayaaraya Hockey

Waxaa lagu tilmaamaa in qaabka maamulkiisa uu shabaho xilligii Sovie-ka oo waxa uu maamulaaa dhammaan warbaahinta waawayn ee dalka, waxa uu dhibaateeyaa oo uu xiraa siyaasiyiinta ka soo horjeedda.

2003 waxa uu sheegay: “Waa qaab ka mid ah maamulka inaad gacanta ku dhigto warbaahinta, waana qirsanhay inaan adeegsado hogaaminta noocaasi ah”

Belarus waa dalka keliya oo Yurub ka tirsan horayna uga tirsanaa Midowga Soviet oo weli dadka ku xukuma dil toogasha ah oo si qarsoodi ah loo fuliyo.

Tirada saxda ee dadka laga toogtay madaxa lama oga balse in ka badan 300 qof ayaa la aaminsan yahay in la toogtay tan iyo sannadkii 1999-kii.

Madaxweyne Alexander Lukashenko

Sida Vladimir Putin, Mr Lukashenko waxa weli ku dambeysa caqliyaddii Midowga Soviet. Labaduba waxay cayaaraan ciyaarta Hockey ee barafka. Waxa uu midba mid kale dalkiisa ku tilmaamaa “walaal”

Mr Lukashenko waxa uu gaashaanka u daruuray suurtagalnimada ah in dalkiisa uu la mid noqdo dalalka Yurub ee meesha ka saaray maamulkii hore ee digtaatooriyadda ku saleysnaa sida Georgia iyo dalka ay dariska yihiin ee Ukraine.

“Ololihii dib usoo doorashadiisa waxa uu yiri: “dadka reer Belarus diyaa ruma ahan iney u codeeyaan dumar”