Noole jiirka la’eg oo 50 sano ka hor la waayay oo Jabuuti laga helay

0

Xayawaankani ayaa la eg gacanta oo qofka wuxuu ku qaadi karaa gacanta

Noole dooli la’eg balse maroodiga ay isku isir yihiin ayaa dalka Jabuuti laga heley ka dib markii la waayay 50 sano ka hor.

Ka dib muddadaas oo la raadinayay, waxaa hadda laga helay dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in Maroodiga ay isku farac yihiin, balse itaal ahaan wuxuu la’eg yahay dooliga ama jiirka.

Markii ugu dambeysay ee noolahan la arkay waxa ay ahayd 1970-maadkii sida ay seeynisyahanada qabaan. Markii ugu dambeysay waxaa lagu arkay dalka Soomaaliya.

Hadda dalka Jabuuti ayaa laga heley ka dib baaritaanno cilmibaaris ah oo ay seeynisyahanno sameeyeen.

Nolahan oo ka mid ah naasleyda, ma ahan jiir, mana ahan maroodi, balse waxaa la sheegay in uu ku isir yahay bahda maroodiga.

Wuxuu leeyahay xubin u eg foolka maroodiga, wuxuuna cunaa cayayaanka.

Waxaa jira illaa 20 nooc oo ah kuwa loo garanayo sengis guud ahaan caalamka. Noolahan la helay 50 sano ka dib waxaa lagu magacaabaa Somali Sengi (Elephantulus revoilii) waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha la yaabka leh ee seynisyahanada ay ogaadeen.

Noolahan waxaa markii hore lagu arki jiray Soomaaliya oo keli ah, waana sababta loogu bixiyay magaca Somali Sengi.

Steven Heritage, oo ah cilmibaare dhanka Seyniska ah oo ka tirsan jaamacadda Duke ee ku taalla dalka Mareykanka oo sidoo kale xubin ka ahaa khubaradii socdaalka ku yimid geeska Afrika ee 2019-kii, ayaa sheegay in uu ku farxay “in markale la helo” nocyadan dooliga u eg.

Wuxuu BBC u sheegay: “Xaqiiqadii aad ayaan ugu farxanay uguna riyaaqnay markii ugu horeysay ee aan aragnay noole dooli la’eg balse maroodiga ay isku isir yihiin oo Jabuuti laga heley kaas oo lagu magacaabo Somali sengi.

Cilmibaarayaasha aragtida noolahan markii ugu dambeysay ee ay diiwaangaliyeen waxay ahayd sannadkii 1968.

Cilmibaarayaasha waxay dhigeen 1,000 dabin oo lagu xiray 12 goobood oo kala duwan, waxaayna arkeen 12 nooc oo ah Somali Sengis ah.

Ka dib, Seynisyahannada waxay baareen hiddo-sidaha, markaasi oo la ogaaday in nooca loo bixiyay Somali Sengis uu yahay midka ugu dhaw ee ay isku midka yihiin noocyada Sengis ku nool dalalka Morocco iyo Koonfur Africa.

Seynisyahanada waxay ka war heleen warar sheegaya in dalka Jabuuti lagu arkay. Houssein Rayaleh, oo ah cilmibaare dhanka deegaanka ayaa ku biiray kooxdii dabagalka ku haysay isaga oo rumaysnaa in uu arkay dooligan u eg Maroodiga.

Steven Heritage aya intaa ku daray in dadka ku nool dalka Jabuuti aysan u haysan in noocan sengis uu soo “lumay”, haddana ay cilmibaaristan cusub ay noolaha Somali Sengi dib ugu soo celisay gacanta bahda seynisyahannada oo uu qiimo wayn ugu fadhiyo.

Noocan noolaha loo yaqaano Somali Sengi wuxuu ka mid yahay 25 “nooc oo ay si wayn ay u baadigoobaysay” hay’adda caalamka u qabailsan ilaalada duurjoogta.

Cilmibaaridstan waxaa lagu daabacay joornaalka lagu magacaabo Peer J.