Degdeg:Qarax hadda Gilgilay Magaalada Muqdisho

0

Qarax xooggan ayaa wuxuu daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Tarabuunka.

Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda isla markasana uu khasaaro kasoo gaadhay dad shacab ah oo marayey agagarka meesha qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhaawacmay oo ahaa darawal waday mooto Bajaaj.