Anigu Qurba Joog ayaan ahey laakiin waxan qirayaa wuxuu berbera ka qabtay Mayor Cabdishakuur

0

Magacaygu waa axmed nuur jaamac aadan oo ah qurba joogta reer saaxil ee dalka Jarmal ku sugan waxaan maanta doonayaa inaan cod dheer baaq ugu diro shacabka aan jecelahay ee gobolka saaxil, waxaan ugu baaqayaa bulshadayda nimaan kuu furin yaanu kuu rarin,

Cabdishakuur maxamuud xasan cidin inaad doorataan inaad ugu celisaan wuu inaga mudanyahay markaynaan xaasidayn, Ninka dalka dibada ka joogaa wax badan ayuu ogyahay, waxuu hagaajiyey Bilicdii magaalada berbera Wuxùu kabay caafimaadkii Wuxuu gacan kaeystay Wax barashadii ,

Wuxuu kor u qaaday isdhexalkii iyo sportskii ,Wuxuu nadiifiiyey magaaladii Wuxuu kaabay biyihii o ah nolasha kowaad, Wuxuu shaqo abuur u sameeyey boqolaal dhalinyardii reer saaxilah , Wuxuu kasaaray magaaladii xoolahii xaalufka caafimaad darida ku hayey taas oo sababtaey in berberi noqoto maaalo cagaaran o wada dhir ah, oo walba lagu beeray dhir la hadhsado,

Wuxuu u gargaaraa danyarta iyo waayeelka gobolka saaxil oo uu hoos u ogyahay Waa nin wixiinu ka nabad galeen oo xalaal cuna, Anigu Maanta Axmed Nuur ahaan waxaan qabaa in Intuu ka qabtey berbera ina cidin in aan Taliskii Siyaad bare e 21 sano ina haystay ka qaban,

Qalinkii Aqoonyahan Axmed Nuur Jaamac Aadan,